Taliyihii Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay Caawa Fiidkii
Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa ku soo Waramaya in Caawa Fiidkii Koox Hubaysani Weerar ku Qaadeen guriga uu magaalada laascaanood ka degan yahay taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool oo Caawa Weerarkaasi lagu Dilay goor dhawaydto isagoo Xiligaasi ku sugnaa gurigiisa oo kuyaala magaalada laascaanood.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Marxuun Cabdi Ciise Nuur ayaa Waxa Weerar ku Qaaday Koox hubaysan kadibna halkaasi ku dilay taliyihii Ciidanka Asluubta ee gobolka sool, Marxuun Cabdi Ciise nuur oo Gurigiisa ku sugnaa Xiligii Weerarka lagu Qaaday.
Lama oga sababay Ka danbeeyey Dilka taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolkaasi Sool Waxana Mudooyinka gobolkaasi hadheeyey Dilalka Qorshaysan oo Laascaanood ka Noqday tusbax afka laga furay, Waxana Weerardaasi Qaadaya Kooxo Hubaysan oo aan haybtooda la garanay, iyagoona soo Duubanaya afka Xiliyada ay ku jiraan Weerar Hubaysan.











Alle how naxariisto Gacan ka xaq daran baa dishay kii dilayna Alle naarta haku fogeeyo waa bil ramadaan Aamiin Aamiin Aamiin !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!