Published On: 3 September 2010 2:52 pm

Diyaarad Qalab u Sida Al Shabaab oo Kismaayo ku Soo Degtay

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay dadka deggan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saakay 02/09/2010 abbaarihii 9:00 subaxnimo ay ka soo degtay Garoonka magaalada Kismaayo diyaarad nuuca xamuulka ah oo  wayn, waxaana laga soo dajiyay alaabo u muuqday saanad ciidan iyo daawooyin.

wararka ayaa sheegaya in la saaray rag u muuqday in ay dhaawac ahaayeen oo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay u qaaday diyaaraddaas saaka soo gaartay magaalada Kismaayo, xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in ay garoonka taagnayd muddo 45 daqiiqo kaliya ah, Maleeshiayadka kooxda shabaab ayaa xiray Dhammaan wadooyinka soo gala Garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa loo diiday safarkii ka imaan jiray baadiyaha, oo magaaalda keenaye adeegyada looga baahan yahay,  taas ayaa waxa ay muujinaysa sida ay indhaha dadka uga ilaaliyeen ogaanshaha waxa saaran diyaaraddaas ama waxa ay qaadayso,

Waxaa jiray bartamiha bishii hore xog tilmaamyasay in Garoonka Diyaaradaha Ee magaalada baydhabo ay sidaan oo kale ka soo degtay Diyaarad, wararka aya sheegaya in ay wadday Saanad ciidan iyo Daawooyin,

Xogta imaanshaha labadas diyaaradood waxa ay muujinaysaa in ay jiraan dowlado ay maleeshiyaadka dagaalada wada ka helaan taageero milatari iyo mid dhaqaale, waxaana laga dareemayaa dhaq dhaqaaqa ciidan iyo dagaalada ay bilaabeen in ay heleen saanad dagaal oo isugu jirta hub, rasaas iyo waliba daawooyin.

Dadka qaar ayaa waxa ay qabaan in diyaaraddaas ay soo dirtay Dowladda Eretria oo saaxib dhaw ay yihiin  Koxaha Dagaalada aan dhamaadka lahayn ka wada   Somaliya.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Mohamed .w.farah says:

    Dhamaantiin asc. Haddii eey run nqoto in Dawlada Eretria eey hub iyo
    Saanad ugu deeqdo Mucaardka ka soo hor jeeda
    Dawlada Soomaaiya, waa mid dhibaato leh.
    Hase yesheen waa in aduunku talaabo ka qaado
    xukumda ka talisa Dalka ku jira go.doonka.
    horta mid meeha waa ku jirtaa ineey mucaradku
    meel ku tiirsn yihiin taasi waa hubaal.

    Mudane marshaal.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos