Fanaan ka tirsanaa Waaberi oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa manta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Cabdi Kheyrre “Beerfale” oo ka mid ahaa Hobollada Waaberi ee Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed.
Maxamed Cabdi “Beerfale” wuxuu ahaa Muusikiiste ka tirsan Hobollada Waaberi, wuxuuna degganaa EX-Fiyoore oo ay ku nool yihiin fannaaniin badan oo Soomaaliyeed.
Abwaan Cabdi Dhuux iyo Siciid Xarawo oo radio Muqdisho la hadlay ayaa tilmaamay in fannaanku uu u dhintay xanuun waayadii dambe uu la jiifay, waxayna Alle uga baryeen Naxariis.
Maxamed cabdi Kheyrre “Beerfale” ayaa ka mid ahaa Kooxda Horseed ee ciidanka XDS ka hor inta uusan ku biirin Hobollada waaberi, wuxuuna ka mid ahaa Fanaaniin badan oo aan ka bixin dalka xilligii dagaalku ka dhacay dalka Soomaaliya.
Wasaaradda warfaafinta waxay tacsi u diraysaa qoyskii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Fannaaka iyo waliba Hobollada Waaberi ee Qaranka Soomaaliyeed.










