Published On: 3 September 2010 10:06 pm

Garoonka iyo Dekedda Muqdisho oo La Iibsaday

Madaxda oogu sareysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa muddo toban sanno ah ka iibiyay Dekedii iyo Garoonka Muqdisho  inay maamusho shirkad ajinabi ah oo lagu magacaabo SKA Air Logistics

Arintan heshiiska ah ayaan la soo marsiin Baarlamaanka,waxaana ka soo shaqeeyay nin ay xigto hoose yihiiihn Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

Qodabada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah  iyadoo inay garoonka iyo Dekedda Muqdisho ay horumariso isla markaana ay waxay doonaan ka soo dejistaan,taasoo loo fasiranayo,xitaa Daroogo iyo xashiish inay ka dhoofin-karaan Dekedda iyo Garoonka.

Shirkada heshiiska la gashay dawlada laba shariif oo ayaa ah shirkad hawlgalo ka bilawday dalka Ciraaq wax yar un ka dib qabsashadii dalkaasi 2003 waxaana ay shirkadaasi ku caan tahay in ay macaash ka sameyso dalalka ay dagaaladu ka socdaan.

Sida ku cad booga ay internetka ku leedahay shirkadaasi waxaa ay leedahay shirkadu ciidamo u gara ah oo ilalaiya goobaha ay ka shaqeyso waxaana ay tani marqaati u noqoneysaa in dalka Somalia uu ku soo fool lee yihiin ciidamo dheeraad ah maadama shirkadani tahay shirkad mafia oo kale ah ciidamo lixaadna wadata taaso doneysa in ay macaash ka sameyso xaalada murugsan ee Somalia.

Heshiiskaan lagu iibsaday Dekedii iyo Garoonka Muqdisho ayaa lagu tilmaami-karaa Qiyaamo-Qaran,maadaama aan la soo hor-dhigin Baarlamaanka Soomaaliya,isla-markaana aan afti laga-qaadin Dadweynaha Soomaaliyeed in la iibinayo Dekedda

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. shire says:

    waa loo baahan yahay in la hello dad maamul yaqaan oo ka shaqeeya garoonka iyo dakadda, dad hadda jooga xamar ma aha dad wax maamuli kara, waayo waxaa batay isqabqabsi iyo maamul xumo baahsan,

    waan taarsanahay arrintaas