Published On: 3 September 2010 2:18 pm

Riwaayadii Meteleysay Siyaasada Beesha Dhulbahante. Sheekadii Aniga iyo Aniguna ( Qaybtii Labaad)

Muranle oola’ildran dhibaatadii ka’soogaadhey suntii xad-dhaafka ahayd ee sida aan hamrashada lahayn keligiis usoo cunay,xisaabtana kudarsan khatarta iyo siday suntu u’saameyndoonto madaxyada kale. Maadaama isagu yahay kan cunaya, islamarkaana caloosha geynaya, taasoo laba jibaareysa xadiga sun’ahaan Muranle’ ku soo hagaagaysa. ( Proper- Proportions).

Muranle iyo Xaalkiisa Caafimaad

Inkastoo, muranle caafimaadkiisu soo hagaagayo sidii horena dhaamo, haddana Muranle oo ka’warhaya awood’yarida madaxyadakale, islamarkaana dhakhtaradu usheegeen inaysan arrintu ka’maarmeyn dhakhtar wadanka dibadiisa’ah Sida ( America, Canada, U.K, U.A.E). sababna uga’dhigay in marka hore la’ogaado baadhitaana lagu sameeyo Madaxii sunta soo cunay, iyo sunta nooceeda;si loohelo daawo kuhaboon. Xataa hadday noqonayso in maddaxyada qaar la’gooyo say ubadbaadaan Madaxyadakale.

Muranle oo talo kucaddahay, ogsoona xanta madaxyadakale isla-dhexmarayaan in muranle yahay madaxa sunta soo cunay, kana war’wareegaya inuu latashado dhammaan madaxyadakale una arka hadii ( Dhako-Balaadh), looyeedho in arrintu Kashif’mikarto taas oo keenikarta in ( dhako-Balaadh), Madaxyadakale fahamsiiyo xaalada jirta iyo waxa lagaga bixikaro. Halka muranle ka baqayo in xaalku noqdo taladii dhakhtarku sheegay ee odhaneysay in laqaato xalkasta oo lagu badbaadinkaro madaxyada; taasooy kamidtahay in xataa qaar kamida lajaro si’kuwakale badbaado uhelaan. Balse sitaas loohelo wxuu dhakhtarku ku xidhay, inay iskumar yimaadaan dhakhtarka iyagoo wada socda, si aydhamaantood usaxeexaan waraaqaha loo baahanyahay; si arrintooda wax looga qabto.

Meygaag, iyo Gooni oo ahaa labadii madax ee Muranle kusoo booqday dhakhtarka, dhegeysteyna  taladii dhakhtarku soo jeediyey, ayaa midba midka kale intuu dhugtey  iyagoo kaxun xaaladooda caafimaad iyo dhaawaca soogaadhey  madaxyada wadajirkooda kana welwelsan hadalkii dhakhtarku usheegay ee aha suurtagalnimada xataa  “inla’idinkalagooyo” Taas ayaa  welwel iyo cabsi horleh ku abuurtay Meygaag iyo Gooni.

Meygaag iyo Gooni  waxay arrintii usheegen (Jiir) oo ahaa Madaxa kale ee madax’ahaan ugu dhawaa waxay kutashadeen inay warkaas ugudbiyaan dhamaan madaxyada kale si arrinta laysaga kaashado. Jiir oo filayey jawaabta dhakhtarka katimi kana murugaysan xaalada murugsan ee soo wajahday madaxyada, ayaa intay ilmo isku soo taagtay indhihiisa ugu jawaabay Gooni iyo Maygaag, inuu aqbalay arrinta hadii alla yiraahdana uu isna ugudbin doono warka  dhaka-balaadh iyo Bulqaas oo’ay deris yihiin; kuna booriyey, Gooni iyo Meygaag iney dedaalkooda laba jibaaraan oo ay arrinta gaahsiiyaan

Madaxyada deriskooda ah Sida Colujoog, Wayrax,xule, Qaylaweyne iyo Dirir say iyana ugaadhsiiyaan kuwa kusiixiga; wuxuu kaloo usii raaciyey intaa, in muddo kooban laysugu yimaado; si aynu talada meel isugu geyno balantii dhakhtarkuna, aaney inooga baaqan

Lasoco Qaybta Saddexaad