Shillin Somali faalso ah oo lagu gubay Caasimadda Puntland
Lacag dhan 100-Milyan oo Shillin Somali faalso ah ayaa maanta [Sep 5] lagu gubey kantroolka galbeedka ee Magaalada Garowe xarunta Dowladda Puntland ka dib markii ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen lacagtan oo la damacsanaa in la galiyo gudaha caasimadda P
Waxaa goob joog ka ahaa gubista lacagtan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta C/xakiin Axmed Guuleed,
| Lacago faalso oo la gubaayo–Garowe, Sep 5, 2010 |
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Cabdi Qawdhan, Xisaabiyaha Guud ee Dowlada Puntland iyo Saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha Booliska Puntland Col. Axmed Cali Xasan Afey.untland ee Garowe.
Xisaabiyaha Guud ee Dowlada Puntland C/risaaq Xasan Muuse oo ka waramey lacagta faalsada ee maanta la gubey ayaa sheegey in laga keeney Magaalada Burtinle oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Nugaal, islamarkaana lagu soo khaldey Odayaal Dhaqmeed kuwaasi oo loo soo siisey magdhow.
Ma ahan markii ugu horeysay oo lacago Faalso ah ay Dowlada Puntland dab-qabad siiso, iyadoo horey laamaha amaanka gacanta dhowr mar ku dhigeen lacago Faalso ah, kuwaas oo isagu jirey Shillin Somali iyo Dollarka madow ee Mareykanka oo qad lagu shubo.Xisaabiyuhu waxa uu sheegey in Dowladda Puntland ay odoyaasha kala shaqeyn doonto sidii ay xaqa ka maqan ugala raadin laheyd kooxihii kusoo khaldey faalsada islamarkaana Sharciga la horkeeni doono goob kasta oo ay joogaanba.
Isha: Radio Garowe










