Xorayntii Xaglotoosiye oo Xuubsiibatay Xaaqidda Xaafadaha Buuhoodle.
Waxaa maanta bulshada degan Magaalada Buhoodle ku noqotay wax la’la yaabo aadna loogu qoslo kadib markii ay ku waaberiisteen dhalinyo wadata majarafado oo qashinkii magaaladda ka guraysa, markii hore dadku waxay u haysteen in Hay’adii BYVO oo ahayd hayad maxali ah oo hore u qaban jirtay hawlahan nadaafad uruurinta balse baryahan dardartii lagu yiqiin aan laga arag in ay soo rogaal celisay, balse markii loo sii fiirsaday ayaa dadkii la yaabeen markii ay arkeen dhalinyarada oo wadata funaanado ay ku qoran yihiin HOGAANKA SSC.
Dadka reer Buuhoodle oo aad u yaaban ayaa is waydiiyey “ war awal kuwani miyaanay ahayn kuwii lahaa waxbaanu xoraynaynaa? Yaa uga fadhiyey khashin uruurinta”
Balse oday soomaaliyeed oo mararyey goobtii lagu falanqaynayey arinkan aan looga fadhiyin kooxdan ayaa yidhi: “ waxaan idin waydiiyey kooxdani Bil ka hor waa kuwii qaatulqal_dariiqa noqday ee laga iclaaminayey masaajidada laguna habaarayey, oo Ergadii reer gaalkacyo weli magaalada inala joogto, markaa hadii ba aynaan maanta lahayn wadooyinkii ayey xidheen oo budhcadnimadii ayey sii wadaan, waxaa ila quman in aynu u dayno khashinkoodaa ay ku baadhanayaan qurbo j oogta”.
Kooxdan oo laba isbuuc ka hor u sheegay in aduunyo Gaadhaysa $60,000 oo doolar in lagaga leeyahay magaalada Buuhoodle ayaa iminka isu diyaarinaysa in ay wax kasta oo ay ku helayaan lacagtii Malaayiinta ku dhawayd in qurbo joogra reer SSC ay halkii ka sii wadaan marka laga baxo bisha Ramadaan.
Balse bulsha weynta reer SSC ee qurba joogta ayaa iminka si xaddhaaf ah uga aaminka baxay kooxdaasi, iyadoo labadii isbuuc ee la soo dhaafay wax ugu badan ee ay isway,diinayeen ahayd side loogu yeeshay $60,000 oo doolar? Maxayse moodeen marka ay leeyihiin lacagtaa soo bixiya iyagoon sheegin wax dayntaasi tahay iyo iyadoo laga dharagsanyahay in aysan qaadin wax dagaal ah oo la odhan karo kharashka intaa le’eg ayaa ku baxay. Ma waxay doonayaan in aanu lacagta aanu ku soo dhididnay aanu ku bixino Jaad iyo tumasho?
Si kastaba ha noqotee waxaa dadku badankiisu is way diinayaan nimankani niman xishoonaya ma’aha, dhaqanka ay wataana dhaqan lagu yiqiin dadka deegaanka ma’aha ee xagee ka yimaadeen.










