Published On: 6 September 2010 4:33 pm

Al Shabaab oo baaq u Jeedisay Bukanka Qaba Aids-ka

Maamulka ka arimiya Degmada Marka ee Sh/ hoose ayaa dhawaan xarunta daaweynta AIDSka ee Degmada Marka kula kulmay bukaano halkaasi lagu daweynayo oo qaba cudurka HIV AIDS.

Horjoogaha Maamulka Al-shabaab ee gobolka Sh/ hoose Maxamed Abuu Cabdalla Idriis ayaa ugu baaqay bukaanada AIDSka qaba in ay is miidaamiyaan oo ay is qarxiyaan, bacdamaa uu sheegay inaysan noolaaneyn oo daawo loo heleyn.

Amarkaas ayay amakaak iyo anfariir la noqotay bukaanadii oo goobtaas isaga huleelay iyadoo goobtii daryeelka ee ka hortaga Aidska albaabada la isugu dhuftay.

Xarunta oo ku taala Isbitaalka Istarliin ee magaalada Marka ayaa in mudo ah waday daryeel ay u fidineysay bukaanada uu haleelay cudurka eediska iyadoo talaabadaan ka horna ay maamulka Shabaab u xireyn xaruntii daaweynta qaaxada oo ay ku eedeeyeen in ay maamulaan hey’ado ay ku sheegeen inay yihiin Kirishtaan.

Talaabadaan ayaa ah mid ku cusub kooxda Shabaab oo aan looga baran in ay xiraan goobaha caafimaadka iyo xarumaha lagu daryeelo bukaanada, walow ay kooxda Xisbulislaam ay iyagu horay albaabada isugu dhufteen una bililiqeysteen Isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho