Published On: 6 September 2010 4:53 pm

Dhafarka iyo Dhaygaga Muuqda (Maqaal Taxane ah)

Qabaailka Soomaaliyeed waxa dhex mara isqabad gaadha heer colaadeed. Colaadu waxay doonto ha ka kacde waxay noqota mid lagu kala adkaado iyo mid laga heshiiyo. Waxa dhaax la isu dila qaab isu dheeli tiran dhanka abtirsiimada waase suuragal in labada garab kala badnaadaan, tayaduse waa tii ilaah la garta cidda guusha la siinayo.

Si kasta ha u kala badnaadeene waxa isu dheeli tiran oo isu dhigma daarood iyo Isaaq. Haddii la eego qoyska Dhulbahante waxa lagu tirsha inay u dhigmaan Habarjeclo ama habar Yoonis mid ahaan. Way jireen xilliyo hore oon hubka maanta la haysto iyo dawlado gargaar baxsha aanay jirin balse lagu kala adka ragganimo loo kala dhashay.

Maanta iyo colaada haysata Dhulbahante ee dalkoodi cadowgu ku qabsaday aan qeexo asbaabta keentay in degaanka lagu hanto:

1. Waxa ku soo duulay maamul dawlad sheegta oo weliba dawlado ajaanib ihi taakulo ku siinayaaan hub, saanad, shidaal iyo lacag.

2. Waxa maamulka ciidan u ah Isaaq, Gedabiirsay iyo Ciise. Waxay hanteen oo weheliya calooshiisa u shaqaystayaal aan damiir lahayn oo sheegta Dhulbahante.

3. Puntland oo maamulka Dhulbahante wax ka dhistay dhigooda aha oo sirta degaanka lagu qabsasday wax ka oga, samayn difaac iyo weerartoona daaba.

4. Shacabki Dhulbahante oon dareen ka yeelan inaan maamulka ay ka tirsanyihiin ee PL ahayn mid daacad u ah, sida awgeed isku halleeyay.

5. Marki lagu mitiday shacab ahaan in laga difaaco degaanka huwanta ku soo duushay, waxa dhabar jebin ku sameeyay oo Laas-caanood dhanka koonfur ciidan beeleed ka soo geliyay calooshiisa u shaqaystayaal aan damiir lahayn oo sheegta Dhulbahante.

Haddii dhiigii la waayay meeday Dhalashadii:

1. Dhulbahante: Kolki dhulki la hantiyay, shacabki qaxay, qaarna jeelasha laga buuxshay, qaarna tacadi iyo dhac loo geystay cid dalka u maqana la waayay waxa magac dhulbahante lagu maamulay shirar aan daacad laga ahayn oo munaafaqad iyo cadaawad xambaarsan.

  • Waxa shirarkaas lagu kala saxeexda heshiisyo been ah waxana si munaafaqad leh la isu saara laabta.
  • Waxa warbaahinada lagu qora been iyo tookh.
  • Waxa shabakadaha Intarnetka la geliya sawiro suudh la xidhanyahay iyado weliba qosol iyo dhoolacaddayn lagu darayo.
  • Maqaal, shirar, darajooyin iyo munaafaqad ciil iyo cadho kuu dila ba dunida lagu baahsha oo lagu been daaqa.
  • Mashaariic maatada lacag lagaga gurto ba la furtay.
  • Gabayada, geeraarada iyo guuxa muusanowga ba la isu yeedhsha aan wax iska hoos qaada jirin.
  • Goob xun iyo guuldarro aan laga damqan ba la hadhsada.
  • Fidmada iyo furfurka iyo far isku fiiqa iyo xasadka ba laga dhigtay xorayn degaan.
  • Cadow aan loo dhigmin tiro iyo tayo looma raadsho xulufe xigtada la xajiimeeya oo la sii fogeeya halki laga saban laha. Dembiga cadowgu waa naaqus kan tolkuna waa lama illawaan la hibto.
  • Qaar dhabanka iyo dhafoorka haya, qaar dhuuni baas dhadhansanaya, qaar dhagarqabayaal oo dhunkaal isu qooshay iyo qaar dhanay u socdaan iyo dhanay ka socdaan aqoon ba loo qaybsamay.

2. Absame : Dhab cadow guun ah buu dhex rafanaya iyagaana garab iyo gaashaan u baahan, lamana siine dhiigooda iyo dhiicaankooda ba la iibsada.

3. Laylkase, Awrtable iyo Mareexaan: Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. Waxay degaan degaan durugsan mana arag hannaan qurux leh oo hir dheer loo soo jibaaxo illayn Dhulbahanta qudhiisu dhagarta wax ka galaye. Dhanka codka si fiican bay u hiiliyeen.

4. Warsangeli: Dhibta iyo dhirbaaxda waa la qabaan Dhulbahante waxayse ku dhaamaan dhaax iyaga culays lama saarin dhulkoodiina laguma dhiiran, dhuuni qaatayaashooduna inyar bay dhawrsadaan.

5. Dashishe: Ma dadaal yarayn mana dareen badnaan. Naxariisti naasku ma magoolin.

6. Majeerteen: Ma madowba ma caddaan mise maariin, malaha midna maaha.

  • Waa hormoodka siyaasada iyo dhaqaalaha Daarood.
  • Waa saldhiga badda iyo dhufayska Daarood.
  • Godobta iyo guuldarada Daarood wa reerka gunta u unkay.
  • Dawladi Daarood iyaga jebiyay markay ku asaaseen SSDF oo nugleeyeen cadowgi SNM iyo USC. Tii Abdirashiidna iyaga dilay.
  • Markay dawladi dhacday abaabulki Daarood iyaga minjoxaabshay iyagaana mar kasta xeelado qarsoon oo kursi jacayl u loogay danta Daarood.
  • Iyaga iibshay Sool iyo Sanaag iyo Cayn, oon weliba siisan sicir munaasib ah.
  • Iyaga xil darajo wada doona, oo weliba kii qabta hiil la’aan ku hawl gala, oo weliba waxtar daaye waxyeelo soo kordhiya.
  • Siyaasiyiintoodu iyaga godobta abuura, isimadoodu iyagaan qaban oo la qaba, shacabkoodu iyaga kooda xun doorta oon weliba qaban.

Lama abaal dhace aan sheego waxtar intaan ogahay, aanna raacsho wixi lay taray waa la shukran cala waajib, waa abaal aan hore u dhigtay.

  • Difaaci Laas-caanood loogu jiray ciidan badan ba ka qayb qaatay oo Warsangeli, Majeerteen iyo Dashishe leh, ka dib dagaal dhacay wax badana waa lagaga dilay wax badana maxaabiis ahaan ba loo qabtay.
  • Dhaawaci Buuhoodle iyo Ballihadhac iyaga daad guraynta iyo daawaynta ka qayb qaatay waa majeeteenka reer Mudug.
  • Shacab badan oo dibad iyo gudo leh oo hiilka saxaafada iyo afka u heellan way jiraan.

Wixi qalad ah, rabbi ha iga cafiyo
Darwiish\: Axmed Mohamed Hassanqaal

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. guuleed says:

    waa maqaal ad u xiiso badan waana maqaalada loo baahan yahay in ay media yadu soo gudbiso …