Madaxweynaha Puntland oo booqdey askar dhaawac ah
Madaxwaynaha Puntland Md. Cabdiraxman Maxamed Maxamud oo booqasho ku jooga wadanka Ethiopia magaaladiisa Addis Ababa ayaa maanta 5.09.2010 ku booqday isbitaalka ay ku jiraan qaar ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland ee dhawaan ku dhaawacmey dagaal lagaga saaray deegaanka Galgala maleeshiyada Al- Shabaab kuwaasoo hogaamiyo Maxamed Siciid Atam.
Ciidamadan oo in mudo ah ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa xaaladooda caafimaad iyo tooda nololeedba ay aad u wanaagsanayd.
Madaxwaynaha ayaa intuu booqanayay ciidanka dhaawaca ah mid mid u gacan qaaday una duceeyay, waxuuna uga tacsiyeeyay ragii asxaabtooda ahaa ee ku nafyayay goobtii dagaalka. Waxa kaloo uu sheegay in la abaal-marin doona ayna taariikhda dalka baal dahab ah ka galidonaan dhamaantood.
Askartan dhaawaca ah oo niyadoodu ay aad u wanaagsanayd ayaa si wayn ugu farxay booqashada madaxwyanaha oo lama filaan ku noqotay, waxayna ugu warbixiyeen xaaladooda caafimaad iyo dhaqaale iyagoo weliba uga mahadceliyay madaxwaynaha dadaalka uu u galay in caafimaadkooda iyo sida uu uga fakarayo xaaladooda.
Siciid Gureye oo ka mid ahaa askarta dhaawaca ah ayaa isagoo madaxwaynaha la hadlaya waxa uu yiri “….madaxwayne khayr ALLAHA ku siiyo..waxaan ciidanka ahaa in ka badan 40 sano, intii ay Puntland jirtayna askari baan ahaa weli ma arag sida ciidanka hadda loo xanaanaynayo oo looga fakarayo….”.
Booqashada Madaxwaynaha oo qaadatay ugu yaraan laba saacadood ayaa waxa uu ugu dambayntii u mahadceliyay dawladda Ethiopia iyo dhakhaatiirta ka shaqaysa Isbitaalka guud ee Addis, kaalintii ay ka qaateen ogolaanshaha iyo la tacaalidda ciidankaas.
Dowladda Puntland ayaa dhaawacyada halista ah ee ciidamada Daraawiishta u qaadeysay intii ay socdeen dagaalka Galgala wadanka Ethiopia iyo Jabuuti.
Dowlada Jabuti iyo Ethiopia aya balan qaadey in dhawacyada ciidamada Darawiishta ku daaweyn doonaan wadamadooda.










