Urur Caafimaad oo ka hawl gala Laascaanood ee Deeq Gaadhsiiyey Bukaanka Jiifa Cisbitaalka Laascaanood
Urur Caafimaad oo ka hawl gala magaaladda laascaanood isla markaana lagu magacaabo SHIVO Ayaa deeq Caawimo ah Gaadhsiiyey Bukaan Jiifa Hospitaalka Wayn ee Magaaladda Laascaanood.
ururkan oo magaciisa loo soo gaabiy ururka horumarinta samafalka caafimaadka bulshadda ayaa bukaanka jiifa dhakhtarka laascaanood waxay gaadhsiiyey cunto iskugu jirta Cabitaan iyo Cuno, Sida ay Noo xaqiijiyeen Masuuliyiinta ururka waxay noo sheegeen in deeqdan ay gaadhsiiyeen Hospitalka wayn ee magaalada laascaanood ay noqonayso mid aan ahayn tii u horeysey ee ay gaadhsiiyaan Hospitaalka wayn ee Laascaanood,
Aagisamaha Hospitalka ayaa u mahadnaqay ururkan Dhalinyaradda ah ee ku hawlan Hawlaha caafimaad isla markaana Bukaanka Jiifa Dhakhtarka La garabtagana Wax qabad muuqda ururadda Kale ee ka hawl gala Magaaladdana Ugu baaqay inay kusoo daydaan Ururkan,
Sidoo kale Bukaanka jiifa Hospitaalka wayn ee laascaanood ayaa yaguna u mahad naqay ururkan










