Koox Ku Soo Fooleh Tukaraq oo Ka Soo Ambabaxaysa Buuhoodle (Digniin)
Ka dib markii ay dadka qurba jooga ah ee ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee Puntland ay ka cagajiideen in ay qarash u diraan kooxda uu hormuudka u yahay Xaglatoosiye, musharaxii laga itaal roonaaday ee Puntland, isla markaana ay taageeraan laba Garaad Jaamac oo ay beelahoodu si cad u keeneen Laascaanood cadwga haysta ayaa waxaa hatan ay kooxdaasi bilawday barnaamij cusub oo u muuqda mid ay ku baaranayaan jeebka qurbajooga gaar ahaan dumarka iyo caruurta.
Sida ay Taleex Media u xaqiijiyeen ilo ku sugan Magaalada Buuhoodle waxaa ay soo bandhigtay kooxdaasi qorsha cusub kaaso ah in ay qaar ka mid ah kooxdaasi ay u ambabaxdo magaalada Tukaraq isla markaana sheegtaan in ay ka taliyaan degaamada Laamiga ee ka soo hooseeye Gambadhe.
Kooxda la soo dirayo ayaa ka kooban Yaasiin Tamaat,Baashe Cali jaamac iyo Cali Sabarey oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Maxamuud Garaad ee Dhulbahante.
Qorshahan ayaa ah mid ay in mudda ah ka doodeysay kooxdaasi waxaana ay ugu dambeyntii isla garteen in ay fadhiismo ku yeeshaan Tukaraq isla markaana dhaqaalo ku kala furfuraan dhalinyarada degaankaas iyo ciidamada ku sugan Tukaraq.
Ilo muhiim ah oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa Taleex Media u xaqiijiyey in uu qorshahaasi qayb weyn ka ciyaaray nin ka ganacsada Qaadka oo ka soo jeeda degmada Taleex oo UK qaxooti ku ah kaaso sabab u ahaa in Baashe iyo Tamaad tagaan Buuhoodle.
Dhaqaalo hordhac ah oo gaaraya ilaa 5,000 doolar ayaa hada soo gaadhay kooxdaasi waxaana ay weli sugayaan dhaqaalo ay ku soo ambabaxaan oo ay ku kala furfuraan ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan Tukaraq.
Saraakiil ak tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Tukaraq oo aanu xidhiidh la sameynay ayaa sheegay in uu u arko qorshahan cusub mid la isaga horkeenayo beesha Sool iyo Sanaag degta ee u badan ciidanka ku sugan Tukaraq.
” Qorshaha uu Xaglatoosiye soo diyaariyey waa mid la doonayo in lagu abuuro isku dhac beelaha Nuur Axmed iyo Naaleye Axmed , mana filayo in uu ka hirgali karo degaanka” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha beeshaa oo ku sugan Tukaraq.
Dhawaan ayaa webka ku hadla Afka xaglatoosiye ee lagu magacaabo Jidbaale waxaa uu qoray warbixin hordhac u ahayd qorshahan cusub ee iska horkeenka beelaha Nuur iyo Naalaye.
Jidbaale ayaa sheegay in ay dhalinyaro ay isku hayb yihiin Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland Cabdi Ibrahim Warsame ay weerar isku day dil ah ku qaadeen Wasiirka duulista iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) xilli uu ku sugnaa magaalada Tukaraq.
Balse sida laga warqabo Wasiirka ayaa xiligaa u tagay Tukaraq si uu uga qaado dhalinyaro beeshiisa ka soo jeeda oo jidgooya dhigatay Tukaraq waxaana halkaa ku dhintay mid ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka ka dib markii dhalinyaradii jidgooyada u tiilay ay rasaas ku soo fureen.
Waxaa uu Qoraalkaa Jidbaale marqaati cad u ahaa in la iska horkeeno beelaha Nuur iyo Naalaye oo ay ka dhaxayso wada dhalasho.
Qorashahan cusub ayaa ah mid lagu qanciyey baashe cali jaamac in uu abaabulo dhalinyarada beesha Naaleye Axmed isla markaana ka dhaadhiciyo in ay qabsadaan kastamka Tukaraq.
Tamaat ayaa isna lagu qanciyey in uu taageero qorshaha baashe isagoo isku dubaridanaya dhalinta qoyskiisa kana qayb qaato mashruuca isku dirka beelahaas si loo kala dhantaalo isku duubnida beesha Ugaadh yahan taaso ay u arkaan kooxda xaglatoosiye mid caqabd ku noqotay qorshaha Hargeysa Laga so maleegay ee Laba Garaad jaamac wadaan.
Taleex Media ayaa u direysa digniin beelaha magaalada Tukaraq iyo waxgaradka beelahaas in ay ka digtoonaadaan qorshaha naxariisdarada ah ee Hargeysa laga soo waariday hadana soo maraya magaalada buuhoodle oo ku soo fool leh magalada Tukaraq.










