Published On: 7 September 2010 11:21 pm

Xildhibaan Soomaaliyeed oo maxkamad uga bilaabatay Norway

Muwaadin Soomaaliyeed islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta maxkamadi uga bilaabatay caasimadda dalka Norway ee Oslo.

40-jirkaan ayaa dowladda Norway waxa ay ku eedeyneysaa in uu lacag kor u dhaafeysa 30-kun oo dollar (200-kun oo kroner) u diray kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana lala xiriiriyo ururka Al-Qaacida.

Eedeymahan lagu haysto ayuu iska fogeeyay, waxaana qareen u hadlay oo lagu magacaabo Frode Sulland uu sheegay in uu diray oo kaliya lacag ku socotay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee dagaalada kula jiray ciidamadii Itobiya ee dalka Soomaaliya galay.

Dowladda ayaa dhinaceeda soo bandhigtay cadeymo muujinaya in muwaadinkani u diray lacago kala duwan masuuliyiin sar-sare oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaasoo kala ahaa Fu`aad Shangole iyo madixii Al-Shabaab ee duqeynta lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow.

Muwaadinkan ayaa laba sanadood ka hor lala qabtay laba kale oo Soomaali ah oo markii dambe lasii daayay, waxaana lagu tuhmayay in ay dhaqaale ku taageereen kooxda Al-Shabaab oo dowladda Norway ugu jirto liiska Argagixisada.

Waxa uu xildhibaanimada kaga soo biiray dhanka Isbaheysigii Dib U Xoreynta ee xaruntiisu ayed magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Maxkamada u bilaabatay muwaadinkan ayaa soconeysa ilaa bisha dambe.