Published On: 8 September 2010 7:59 am

Ogeysiis Shir Teleconference: By Musharaxa Madaxweynaha Somalia

Waxaan dhamaan la ogeysiinayaa dadweynaha SSC ee ku kala nool Aduunyada dacaladooda, inay ka soo qeyb galaan shir teleconfernce ah oo dhici doona maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa September 11th 2010.

Shirkan oo muhiimadiisu tahay wareysi iyo xogwaran ay isku maqli doonaan beelaha dega SSC, waxaana Shirka teleconferce nasiib u yeeshay in uu ka soo qeyb galo Musharaxa Madaxweynaha Somalia Maxamed Saleebaan Dirir, isaga halkaa ka soo jeedi doono warbixino kala duduwan.Gaar ahaan xaalidihii ugu danbeeyey ee ku soo kordhay degaanka.  Kulankan waa kulankii ugu horeeyey ee uu Musharaxa Madaxweynaha Somalia Maxamed Salabeen Dirir uu ku doonayo, inuu kula hadlo beelkasta oo soomaliyeed si uu u dhegeysto fekerkooda, tageeradooda iyo weliba talobixintooda, sidii xal loogu soo dabaali lahaa colaada sokeeye ee dabadheeratay.

Musharaxa Madaxweynaha Somalia Maxamed Saleebaan Dirir wuxuu ka codsanyaa dadweynaha sharafta leh inay ka soo qeybgalaan shirkan wakhtigana dhowraan. Wakhtiga shirku dhacayo waa sidan hoos ku xusan:

New York   3:00PM (Eastern Time)Minneapolis 2:00PM (Central Time)
Seattle           12:00pm (Pacific Time)London, U.K :800PM
Scandinavians   9:00PM
East Africa       10:00 PM

Habka looga qayb qaadanayo iyo wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xidhiidhi kartaa  gudiyada ololaha madaxweynaha u qaabilsan deegaanka aad degantahay. Gudiyada waxaa la farayaa inaanay furaha siin cid ka baxsan deegaanka ay mas`uulka ka yihiin, si loo sugo dhawrsanaanta shirka.

Please visit campaign website
www.mohamedsaleban.com