Published On: 8 September 2010 8:23 am

Tirada Dhimashada oo Mareysa 230 Qof

Hay’ada UNCR ayaa warbixin ay dagaalada Muqdisho kasoo saartay ku sheegtay in 230-qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalo laba toddobaad ka badan ku dhexmaryay Muqdisho ciidamada DF oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Afhayeenadda UNCHR Melissa Fleming oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in xalaada Somalia ay aad u xun tahay, iyadoo sheegtay in dad badan ay dagaalada socda ku qasbeen inay guryahooda ka barakacaan.

“Waxaan si cod dheer ah u sheegaynaa in xaalad xun ay ka taagan tahay Muqdisho, taasoo aan weligeed soo marin” ayay tiri Fleming, oo intaas ku dartay: “Dagaallada todobaadyadii lasoo dhaafay socday waxaa ku dhintay 230-qof”.

Sarkaaladdan waxay sheegtay in 400-qof ay ku dhaawacmeen dagaalada, sidoo kalena ay guryahooda uga barkaceen in ka badan 23,000-qof, kuwaasoo ku biiray dadkii horay ugu sugnaa duuleedyada Muqdisho, halka kuwo kalena ay ka baxeen dalka oo dhan.

Daganaasho la’aanta ka taagan Muqdisho waxay sababeen in 200,000-qof ay si khasab ah uga saaraan guryahooda sanadkan oo qura, kuwaasoo qaarkood qoxooti ahaan u galay xeryo ku yaala dalalka Kenya iyo Ethiopia.

“Xaaladda amaan ee Muqdisho waa mid aad u xun xiligaan, sidoo kalena waxaa is-hortaag lagu sameeyay howlaha gargaarka caalamiga ah, kuwaasoo si aad u yar uga socda Muqdisho” ayay hadalkeeda ku dartay Fleming.

Afhayeenada UNCHR, waxay sheegtay in kumanaanka kun ee ka qaxay Muqdisho aysan qaarkood wadan wax agab ah, kuwo yar oo ka mid ahna ay si dirqi ah ula baxeen joodariyaal ay ku seexdaan iyo alaabo aad u yar.

Hay’adu waxay ku eedeysay dhinacyada dagaalamaya inay ka dhigeen Muqdisho meel lama dagaan ah oo aanu qofna ku noolaan karin, sidoo kalena ay duqeymo culus u geystaan dhinacyada ay magaalada kaga sugan yihiin.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos