Published On: 8 September 2010 8:10 am

Wiil uu dhalay Wasiir Somaliland oo ka mid noqday taliyeyaasha Al Shabaab

Mustafe oo ah 22 jir uu dhalay Wasiirka diinta iyo Aawqaafta Somaliland Sheikh Khaliil Abdillahi ayaa taliye looga dhigay guutada Abu Muxsin Al Shabaab ee dhawaan tababarka Melleteri ku dhameeysatay xerooyin ku yaal duleedka Mogadishu.

Mustafe Khaliil Abdillahi oo khudbad u jeedinayay guutadda Maleeshiyadda Al Shabaab ee taliyaha looga dhigay ayaa tibaaxay inuu Jihaadka Islamiga ku hanuunshay Aabahii ,oo sagaal bilood ka hor ay ugu dambeysay sida uu sheegay.

” Adeerkeey Ahmed Godane Abu Zubeyr ayaan garabkiisa soo istaagay ,isaga ayaan halkaan ugu imid,aniga waxaan ku dhashay Hargeysa,waxaana ka dagaalamayaa Mogadishu oo aanan waligeey arag,tani waa ilaaheey dartiis iyo daacadnimadeyda ku saleeysan sidii dalka looga xoreeyn lahaa cadawga alle” ayuu yiri Mustafe Khaliil.
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Khaliil Abdillahi oo telefoonka ugu waramay Sunatimes.com ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa Mustafe uu Koofurta Somalia u tilaabay sagaal bilood ka hor,kuna biiray AL Shabaab.
Wasiir Khaliil wuxuu beeniyay inuu isaga u diray koofurta Somalia si uu Al Shabaab ugu biiro,wuxuuna ku gaabsaday ” Wiilkeeyga diin ma aqoon,waxaan ku kari waayay barashada diinta ,hadaba sidee ku gelayaa jihaad”
Wasiiradda cusub ee Xukumadda Somaliland waxay u badan yihiin xagjiriin ku xiran Shabaakadda Al Qaida waxaana ka mida Wasiirka duulista Hawada Maxamud Xaashi oo ahaa ninkii uu Madaxweynahii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal u bixiyay Ussama Bin ladenka geeska Afrik.

Isha: Sunatimes