Odayaal Ka soo Jeeda Beesha Xasan ugaas oo Dhaliil u jeediyey Wasiir ka tirsan Wasiirada Siilanyo
Shir balaadhan oo ay iskugu timaadeen odayaasha iyo aqoonyahanadda Beesha Xasan ugaas ee ku dhaqan magaalada laascanood ay dhaliil wayn usoo jeediyeen Ninka Somaliland ugu magacaaban Waiirka Arimaha Gudaha
Shirkan ay iskugu yimaadeen wax garadka beesha Xasan ugaas ayaa la xidhiidha Hadal uu dhawaan wasiirku ka jeediyey Warbaahinta,Hadalkaas oo la xidhiidha Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Laascaanood, Kaas oo ay Koox dablay Hubaysan ay ku Khaarajiyeen Gudaha magaaldda Lascanod.
Wasriirka ayaa Dilka Taliyaha ku Macneeyey mid ahaa Aano ay Kala Qabeen Labada Beelood ee dilka kala gaystey,balse Beesha Xasan ugaas ayaa Arintaas ku tilmaamtay mid uu wasiirku ku khaldanyahay Beelaha Foqoshini iyo Xasan ugaasna aysan jirin wax aano oo hore u kala dhextaalay,
Waxaa kaloo odayaasha Beesha Xasan ugaas ay wasiirka u jeediyeen in uu isago soo cadeeto meesha ay aanadu ku kala dhex martay Beesha Foqoshini iyo Xasan ugaas,waxayna sheegeen odayaasha beeshu in Wasiirku o Doonayu in uu jaah wareer soo kala dhex geliyo Labada Beelood ee Xasan ugaas iyo Foqoshini Isla markana waxay odayaasha beesha Xasan ugaas oo ah Beesha uu ka soo jeedo Taliyihii la dilay ee Cabdi Ciise Nuur ay sheegeen in ay xidhan yihiin qaar kamid ah Gacan ku dhiig la yaashii Dilay Taliyaha Isla markaana ay odayaasha labada beelood Wada Hadalo ay u socdaan arinta Dilkana ay isla meel dhigeen.










