Published On: 10 September 2010 12:14 am

Sideed ku dhintay qaraxyadii garoonka Muqdisho (Sawiro)

Sideed ruux oo u badan raggii watay gawaarida la qarxiyay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarkii ismiidaamin ee maanta lala beegsaday albaabka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale weerarkan ayaa waxa ku dhintay laba askari oo ka tirsan ciidamada Amisom iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale, sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Amisom Maj. Bahouko.

Laba haween ah oo ka dawarsanayay albaabka hore ee garoonka ayaa sidoo kale ku nafwaayay weeraradan.

Gawaarida ismiidaaminta loo adeegsaday oo ahaa laba nooca yar-yar ah ayaa waxaa saarnaa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda afar ruux, waxaana gaarigiiba saarnaa laba naftood-rurayaal ah.

Waxa la sheegay in qaarkood raggani ka soo dageen gawaarida iyagoo hubeysan islamarkaana ay rasaas ku fureen ilaalada garoonka oo ay ku jiraan ciidamo AMISOM ah, ugu dambeyna ay isqarxiyeen.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la toogtay.