Published On: 11 September 2010 11:40 am

Fanaaniin Ilaahay Baryaya

Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadamada dalka dibadiisa ah ayaa maalintii shalay ahayd iyaga oo la hadlayey warbaahinta Caalamka qaarkood waxaa ay tahniyad iyo boggaadin ku aadan maalinta farxada badan ee Ciidul-fitriga waxay u direen shucuubta Soomaaliyeed ee ku kala nool Dunida dacaladeeda.

Qaar ka mid ah fanaaniintaasi oo ku sugan magaalada Torronto ee dalka Canada ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin ka qeybgalka maalinta Ciidul-fitriga ee qiimaha u leh Muslimiinta oo idil, waxayna sidoo kale sheegeen in ay kaga sii farxad badnaan lahaayeen iyaga oo farxada Ciida ku qaata dalkooda.

Fanaaniinta oo dareenkooda wadaninimo cabiraya ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in shacabka Soomaaliyeed weli uu ku dhex jiro colaadii ku bilaabatay 19 sano ka dib, waxayna intaa ku dareen in Alle SWT ay ka baryayaan in dalkoodii uu nabad ka dhaliyo, isla markaana uu gebi ahaanba joojiyo colaada kala yareysay dadka Soomaaliyeed.

Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool wadamada Caalamka ayaa si isku mid ah hambalyo ugu soo diray shacabka ku nool gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo leh sanadkan kiisa kale ku gaara ladnaan iyo barwaaqo aan abid idinka dhamaan.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos