Published On: 21 September 2010 11:27 am

Dhaaya Fur: Maqaal

Dhacarbe “wuxu yidhi nin dhintayba wax laga dhaxalye, dhaantada cayaareed Dhiidaal ma kala hadhay”

Noolaha aadanahu wuxu ifka ku sugnaanaaya xilli cayiman. Wuxu nolosha kala kulmaya dhib iyo dheef . Wax lahubo geeri waa ka kow waana lama huraane wuxu ifka kaga tegaya kuna sabootiyaya malaha in jecel iyo in neceb sido kole wuxu ku dhaafaya hadhiisan taariikheed oo mugeeda leh kuna siman daleel madhan ama meerisyo baaxad weyn, aakhirana wuxu u madhaxsanaya kefad culus oo jidka siraad xawli ku marisa ama mid madhan oo halaag iyo naar holcisa (Allow ka magan).

Haddaba noolow hadma la garan, ma inta ifka lagu noolyahay, mise marka hantidaada la dhaxlo, sida xilahaaga ama shaadhkaad ka dhimatay.

Ninba tiigti iyo tamarti, ragba hawlgalay oo hindisay u habsami u socdka maanta adduunka lagu hawaysto, heerba heerbu hirdiyaaye ma hadda hawada la dhaafay oo dayaxa hoy laga helay, hagaag weeye, ma hurudna mise hadhaagi caqliga hudhmo yari kayd ku tahay.

Haddii aanad meella kaga toosin horumarka adduunka asaad waxuun dhugato ama dhegdhegayso ma dhibba inaad dharaar walba qalinka ku duugto wixi dhaca bal inaad noqoto mid laga dhaxlo qoraal oo keliya. (Dhacarbe Geesood wuxu yidhi nin dhintayba wax laga dhaxalye, dhaantada cayaareed Dhiidaal ma kala hadhay.)

Bal aan hoos u dege, dhulbahantow hummaagta hoosada horteeniyo hadhaageena, horana waa tii loo yidhi (Hayin nimu ka jiifsaday wuxuun hilayga saarsaar). Bal dhawra odayadii ina dhalay dhaxalkay innagu dhaafeen. Bal dhugta dhirbaaxda jirtiyo dhaayo xumidiina, bal dhadhamiya dhagarta jirtiyo dhiifta ina haysa. Dhallaankuba waa garta caano dhamistiise, dhadhankooda goortu helo, bu dhereg la seexda, hooyaduna dhibteeday qabta, hawlo dheeriya. Dheyel ma aha dhaantada jirtiyo, dhuuggan ku xidhan.

Sawir la iska qaadiyo, nektay qoorta lagu dhuujo. Qosol aan habboonayn, iyo suudhka quruxdiisa. Is qalloociskiina, qalbiga, qoomyay gacalkiiyeeye. Qoodhkuba marbu qooq gala, dhebida qooyaaye. Qaalmaha mar buu wada qunsha, quusiya korone. Geedaha ma quuto, oo beryo qaro yaraadaaye. Miyaydaan qajilin, oo inuun, dhaadin qarankiina.

Colaad waxa lagu simay in gabayadi awoowayaasheen qaarkood la sheegto, qaarkoodna la dheegto, qaarkoodna dhaqan xumo lagu bedelo sida kii Annagoo taleex naal ee Ismaaciil Mire tirshay Alle ha u naxariiste. Dhegtu maqashay waayeel shiray oo yidhi (Dhul ma guuro ee dadka guura, aada carri Harti iyo Majeerteeniya kan laidinka qaadye). Weedhu waafisana oo misana weydsana, waranku waabay badana oo misana wiiqi darana. Wareerki shalay, wareerisay Weris, waayo aragi, waxa ku qaadiyo, wadeecan oga.

Jiilba waa jiil, qayb walba dhiggeed. Qolo walba taariikh summadeedkeed ba u maddanaysan, waxase hoogay kii summaddiisa la saanyaday ama la suurshay. (Ninki seexda saci dibi dhalay).

Tafti dumarkeeni waa qaawan, timihina tidic u diide, turxaan iyo tuhun waa buux, tawsise ma jirto, tayo iyo tirana waa la buuxa, talana rag kama dhammaato, taariikhduna waa qoraal.

Soomaalidi la kala sooc, silic iyo dhibba timid, ninba soohdin bu degey, sahanki la wada saar, saanadi la wada qaad, salballaadhsi lagu soof. Bal aan sugo sed qaybsiga’e, yaa leh sararta yaase leh surka, kuma geya sambabka?. Sandareero waa ceeb, soor quudheedna waa hoog, mid sareeyay hoose sababteeda ya heli?. Doog bu qooqay, diraac bu da’ furay,ma dadba ma duunya????. Dayaxi waa dhacay, iftiinki waa damay, durbase diirran qorraxdi waa daalacan.

Saado Ali Warsame (Dal qudha, Libdhi maysid Laas-Caanood iyo Jiilki Darwiishkow) dananka iyo luuqdu waa duluc aan dadab iyo daahtoona lahayn waa daawo bilaashe yay dan u tahay? Yay damqi? Ya danayn?. Muusanowday ya murugoon?.

Dardaaranki Maaweel haddaan idin xasuusiyo wuxu yidhi (Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane, Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine, Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine, Dhuunyaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.). Sharka  ruuxi wada ee ina kala shaxeexaaya, sharaq qarab kuwa innagu shubay ee ina kala shaxaadaaya,  shacabka oo walaalo ah, haddii sheexis lagu beeray, shido weeye yaable balaan shuushka wada saarno. Shareecada Islaamke rasuul shaaca ka caddeeyay, shaydaanku waa diidayo, sheegay sababtiiye, sharka naara yaan iblays shaadh inoo xidhine.
Beel hebla, ba bullo iyo reer bilcil bishi hore waa shir, bishanna waa shir, bisha dambana waa shir, Qeex oo qor, adna qor, anna waan qori, aan wada qorro maxay qiil dhashay? Yaa qiray? Ya qoonsaday? Ya qaadacay? Yaase qaatay?.Qoys qabiil noqon waa, qabiilna qaran noqon wa, qaadi sheikh noqon wa, qardhaasi qaaxo ma saarto, qaadki oon noqon wa, qardajeex qatartiisa, qaybsanaan qodaxdeeda, qaabadeenu qasaare, qiilse waa la hayaaye, qoomaheena bal eega.

Mar wa dur, marna waa deleb, ninba kuu damaaciyo. Ma bugto, mana bedqabto, waa bukaan socod misna belaayo waa baalmar. Dulucda iyo arartu waa duurxul, waa dareen waayeel, ma duugna waana daboolantahay, doqon ka diimoon, diricna u dareen la’. Darban oo haddana dedan oo misana daalacan, danaystow garo, docaystow dhugo, daalinow arag, daacuflow yeelka.

Mooge iyo Muude: Meertadi hore, maamus iyo magac, aan muhiimaan, u masayro maanki ii go’ay. Haddaan maal helay, marti ii timid, ma macsuumo uuma meel dayo. Hadba madashaan, manfac ku arkaan, magansanaya oo miciim bidi.  Mirta fiidkaan murqaankaygiyo macsi ii dheer, mooshin soo dhigi. Ada mooryaan, maryo calaso, meesin ka adkayn, sidi maarshaal u macneeyo, mowlka soo tubay. Ada mudanow kaan macno lahayn, u mashxarado, mooday waayeel.

Cattowgi Gabraarato:Gabbal dhacay baan meel gawaaniyo, guryo madhan, geedi beegsaday oo ku gacangalay. Haddaan gini helo, oo garbo casahay, geeso dhiigliyo gadood ma ogoli. Ano galaxi, wadaan gudo weyn, gunta soo daray, gunaas  hadalkiyo, gooha ma aqbalo. Waxan geestiyo, goonni joogaba, ma haddaan galay. Gallad inan helay, oo rag gaasiray, aanse gobonimo, gees ka taagnahay, waan  garwaaqsaday. Ano garashada, gaasir ku ahoo, aan waxbaba gudin, nin I garab galay, waan u gudiyo, gunna waan noqon. Anoo godob qaba, oo tolkay gabay, anoo gedef qaba, gooni socodkiyo gaajada daran. Marki gulufki goonyoho idil, gariir laga riday, oo raggii go’ay, gaanka hadhay baan, u gardaadsho, gadaal uuga baqay. Haddaan gaydhaha gabbaad loo helin, haddaan gabanada loo gabraar tegin sidee gocondhada looga gelaya. Haddaan gobonimo meel ka soo galo, sidi eygi gaadhka ma qabteen sidi gocorki ma gabraarteen, gacal niman nahay, waa guduutiyo, guducur fiidnimo, guuto kuma hago. Gar aan ka socdiyo, gar aan ku socdiyo, geesna maan dayo, oo ma garansani. Goor aan awrki caynka giijo saaray gibishi, baan gandoodsaday.

Ciidda Degaanka: Goor aan goobtaba, colku soo gelin, baan u gacan galay, oon laysba kay gelin. Goblan inan ahay oo raggii go’ay anba garansani. Nin I gawdshiyo, nin I garab mara, ninba garashadi. Guyaal iyo guyaal ba gobtiyo, geesi la qiray, allaylehe gunnimo maan filayn, gocosho waa hooge. Haddaan gudiney garkay kugu jirin, gees u liiciyo, goyn ma joogeen. Goonyahaygi geedki kuma hadhin, god la qodo iyo goob dagaalbaan, geeshash u gogla. Garaadlaaw guushu wa sahal. Ana garabiyo geesta ka jiri, oo ku gacansiin.

Guuxa Shihiidka: Gees ay noqotaba, jeer aan gobolada, guusha ku hubsado, oo colki galay, gooyo dabarkood, gasiin cunistiyo, hurdo gama’eed, guryo kuma ledo. Haddaan Garanlay I golqabatayn, asaan garab iyo gacansaar helo, gugan maanta ah, walle ama guul, ama geeri haybsaday. Haddaan godolkiyo gaaxda caanaha, gendel ugu shubo, oo gingimo o, xoorku gaafaha, geesta uga dhaco, mee raggi gudi , Gurgursha awr haddaan galab raro, haddaan guutada goobta soo dhigo, bal aan garane, ya guddoonsho, ya gadhwade noqon. Jeer garaadadu garta niqistiyo, goynta xaajada, garboduubkiyo, joojin gaadaha, walle garanlay iyo guuldara iman. Haddaan garowshiyo, waayay garab siin, haddi gacalkay, eed sidaan galay, ii garwaaxsaday, geesay noqotaba kolba waa guul, oo ma gees maro.

Maatadi Dhulba: Wahey dhimashadu, dhegxumada qaar way u dhiganta. Dhugun waayow, dhawrso weliga, oo ha dhiidhiyin. Dheeftaad cunaysaan, dhadhansiga mood, dhaahin inay tahay waase dhimbiil ku maqan. Dhallaankaagaad dhunkaal siiso, ceeb u dhabar jabin. Awow dhaxalkiis, aabbe dhaqankiis, dhaawacayow.  Adoo dhalado, ado dhererlo, ado dhumuc wayn, ado dheeh wacan, sidaad dhimataye dhuuni quudhsiya uga dheregta.

Ama dhererow ama dhacadiid, dhoobbi baad tahay. Haddii dhiigiyo inun dhiicaan ka dhex muuqdaan, meeday dhalashadi. Dhuuniqaatow, dheg xumeeyow, dhawr casha hadhay. Adoon dhalano, dhulka imano, dhawris lagu jiro, adoo dharabiyo dhabta hooyada, caanaheed dhama, oo lagu dhigo, ado dhaqan xumo iyo ceeb laga dhimo, dhallaanko idil ado dhalado oo dhulbahante ah, dhul shisheeyiyo, ceebta dhumucdaleh, maxa dhoomaha eedda kugu dhigay.

Darwiish\: Axmed Mohamed Hassanqaal

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos