Published On: 27 September 2010 12:31 pm

Gudoomiyaha Kaafi Community maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Xuddun ee Gobolka Sool (Sawiro)

Wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha Kaafi Community oo ayaa shalay galab si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Xuddun ee gobolka Sool. Gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhowayntiisa ka qayb qaatay dadwayne aad u farabadan kuwaas oo tubnaa jidadka waawayn ee soo gala magaalada Xuddun, waxaa kale oo iyana soo dhowaynta gudoomiyaha ka qayb qaato raxan fardaha oo ay hardafinayeen wiilal si fiican u badhiyaqaan.

Markii uu gudoomiyahu soo gaadhay Qasrigii looga diyaariyey magaalada Xuddun kaas oo ku yaal dhanka waqooyi ee magaalada ayaa waxaa halkaas iyana ciyaarta Ceerigaabida ku soo dhoweeyey gabdho iyo wiilal ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka.

Waqtiga uu gudoomiyahu oo soo gaadhay magaalada oo ahayd waqti ay qoraxdu godka sii galaysay awgeed, waxaa uu gudoomiyuhu dadwaynihii u jeediyey hadalo uu ku soo koobayo ujeedada socdaalkiisa. ” Waxaan idiinla soconaa oo idiinkunimi inaan idin nidhaahno war aan midowno, oo tashano oo waxqabsano”. Kelmadahaas ayaa ka mid ahaa hadalkii gudoomiyahu u jeediyey dadkii soo dhoweeyey.

Ugu danbayn waxaa uu gudoomiyahu u sheegay inay u qorshaysan tahay inuu magaalada Xuddun isaga iyo weftigiisu joogi doonaan ilaa sadex habeen, sidaas daraadeedna ay dhici doonto inay yeelan doonaan shirar badan oo ay warka ku kala bogtaan.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos