Ilyaas Barre Shiil oo Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya
Waxaa shalay galinkii dambe magaaladda Nairobi ee dalka Kenya shir jaraa’id ku qabtay Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan siyaasiyiinta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, horayna uga mid ahaan jiray xildhibaanadda dalka Kenya, wuxuuna shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo arrimo dhawr ah.
Ilyaas Barre Shiil ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan oo aysan ku biirin kooxaha haatan ku dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya. Ilyaas waxa uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo isticmaalo dhibaatooyinka ka taagan dalka.
Ilyaas Barre Shiil waxa uu intaasi raaciyay in wax laga xumaado ay tahay dhibaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee haysta shacabka Soomaaliyeed iyo inaan wax xal ah loo helin dhibaatada ka jirta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, waxa uu Ilyaas Barre Shiil baaq u diray kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalka ka wada Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan dagaaladda ay kula jiraan dawladda KMG, aysanna jirin sabab ay dagaalka u sii wadaan maadama dadka Soomaaliyeed ay boqolkiiba boqol yihiin dad Islaam ah, isagoo sidoo kale kaga digay dhalinyaradda Soomaaliyeed inay ku biiraan kooxaha dagaaladda ka wada Soomaaliya.










