Published On: 29 September 2010 7:25 pm

11-qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Muqdisho

Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay laba madfac oo ku dhacay suuqa Bakaaraha, qaybta lagu iibiyo qudrada, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20-qof oo kale oo la sheegay inay qaarkood ahaayeen xamaaliyaan, ayna gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana duqeyntan ay daba socotay dagaalo ka dhacay Degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maadaafiicda ay ku dhaceen goob ay dadweyne badan ka adeeganayeen, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay duqeyntan la geeyay Isbitaalka Madiina, waxaana dagaalada oo ahaa kuwo xoogan aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

“Madaafiicdu waxay ku dhaceen gudaha bakaaraha, waxaase labadan madfac ee ku dhacay Bakaaraha ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ku dhacay suuqa” ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugan Bakaaraha, kaasoo sheegay in dadka dhintay ay ku jireen haween.

Howlwadeenada gurmadka degdega ah ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyo badan, iyagoo sheegay in madaafiicda maanta ay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay Muqdisho labadii casho ee ugu dambeeyay.

Dagaalka maanta dhacay ayaan la ogeyn khasaaraha kasoo kala gaaray labada dhinac ee uu u dhexeeyay, wuxuuna daba socday dagaalo goosgoos ah oo todobaadkan ka socday Muqdisho, mana jiran wax hadal ah oo labada dhinac kasoo baxay kuna saabsan dagaalka.

Ururka Al-shabaab iyo Xisbul Islam ayaa waxay dagaal kula jiraan DF, iyagoo sheegay inay xukunka ka tuurayaan, waxaana dagaalkan uu qayb ka yahay dagaalkaas, inkatsoo ciidamada AMISOM oo duqeymaha Muqdisho ka dambeeya ay inta badan inkiraan inay duqeymaha shacabka lagu dilo.

Dagaalkan iyo duqeymahan dadka dilay, ayaa waxay imaanayaan xili shir looga hadlay arimaha dalka Somalia oo ka dhacay dalka Spain lagu soo bandhigay in laga hortago falalka ka baxsan xuquuqul insaanka ee ka dhaca Somalia, lana koontaroolo howlgalada AMISOM ay ka hayaan Muqdisho.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos