Barlamanka oo mar kale isku mari waayay ansixinta xubnaha gudiga Dastuurka
Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku kala dareeray oo dib u dhigey ansixinta Xubno ka tirsan gudiga Madaxa banaan ee dastuur sameynta Soomaaliya.
Fadhi mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya maanta ay ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay mar kale uga doodeen ajande ku aadan ansixinta 15 xubnood oo ka tirsan gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Federaalka kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay mudanayaasha Barlamanka ay ku mashquulsanayeen ka doodistooda.
Mudanayaasha Barlamanka ee maanta kulanka ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo kor u dhaafayay 305 xildhibaan ayaa mar kale maanta xoriyad lo siiyay in ay hal hal uga hadleen arigtidooda ku aadan ansixinta xubnaha gudigaani.
Kulanka maanta ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano aad u farabadan kuwaasi oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Kulalihi waxaana uu sheegay in aysan habooneyn in xiligaani la ansixiyo xubnaha gudigaasi, waxaana uu sheegay in ansixinta gudigaani ay dabada ka riixeyso beesha caalamka maadaama ay ku soo hadal qaadeen shirkii ugu dambeeyay ee kooxda Xariira Caalamiga ee arimaha soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Madrid ee dalka Spian.
Xildhibaan Cawad Max’ed Cashara oo ka mid ahaa xildhibaanadii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in xubnaha gudigaasi la ansixiyo, iyadoo sidoo kale fikrad taasi la mid ah uu soo jeediyay Xildhibaan Waqaa.
Markii mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ay isku mari waayeen anxisinta xubnaha gudigaani ayaa gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa uu soo gaba gabeeyay fadhiga mudanayaasha Barlamanka, maadaama sida uu sheegay la soo gaarsiiyay muushin lagu dalbanayo in fadhiga Barlamanka intaasi lagu soo gaba gabeeyo.










