Published On: 30 September 2010 10:06 pm

Shirkii Golaha Xuquuqal Insaanka ee QM‏ iyo Qararkii lagasoo Saaray

29-kii Sebtember iyo 1 Oktoobar ee ina soo dhaaftey Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobey oo fadhigiisu yahay magaalada Jeneefa ee dalka Swisska waxaa lagu qabtey kulamo aan caadi aheyn oo lagu qaadadhigayay arrimaha Xuquuqal Insaanka ee ka tjira dalka Soomaaliya.

Waxaa xusud mudan Shir nuucaan oo kale weligiis kama dhicin Golaha Xuquuqal Insaanka, waayo waxaa ka qayb gashay madax ka socotay DFKMGS, madax ka socotey Midowga Afrika, madaxda hay’adaha kala duwan ee QM, Ergeyga gaarka ee Xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine Philip Mahiga, Khabiirka Caalamiga ee madax banaan oo u qaabilsan la socodka arrimaha Xuquuqal Insaanka ee Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari iyo madax kale ee kala duwan.

Fadhigaan aan caadiga aheyn waxaa qaban qaabiyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xaruunta QM ee Jeneefa, Mudane Yusuf Maxamed Ismacil Baribari. Sii haayaha xilka R/Wasaare ku xigeenka Dowlada Federaalka ee ku meel gaarka Mudane Cabduraxmaan Ibbi oo ka qeyb galay kulankaasi ayaa u matalayay DFKMGS.

Madaxda shirka ka hadashay oo idil ha ahaadeen  Soomaali ama ajaanib iyo Danjirayaasha dalal fara badan waxeey hoosta ka wada xariiqeen baahida loo qabo in si deg deg ah oo la taaban karo gacan buuxda loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed, DFKMGS iyo Maamul Goboledyada dhisan sida Soomaaliland iyo Puntland. Aragtidaan mideysan ee muhiimka ah waa mid aan horey looga baran Golaha Xuquuqal Insaanka ee Jeneefa.

Hasa yeeshee ka fa’ideysiga fursadaan qaaliga ah waxeey u taal DFKMGS, Puntland iyo Soomaaliland,waa hadii shacabka tabaaleysan loo daneyno.

Qaybta ugu horeysa ee ku xigta warbixintaan qoraalka ah waxaad ka dhegeysan kartaan khudbadaha laga jeediyey madasha shirkaan taariikhiga ah. Haddii aad dooneysaan in aad dhegeysataan fadlan tuujiya meesha ey ku qoran tahay English ama French ama Arabic ee ku hoos qoran magaca mas’uulka aad dooneysaan in aad khudbadiisa dhegeysataan,halkaas oo ad ka heli kartid warbixino aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed.

Ahmiyada shirkaan iyo doorka lixaadka leh uu ka qaatey Danjiraha Soomaaliya Mudane Yusuf Baribari waxaad ku dhegeysan kartaa dhegahaada. Gaar ahaan khudbadaha ay jeediyeen Danjirayaasha Mareekanka, Ingiriiska, Australiya, Norwey, Talyaaniga, Brazil iyo Nigeria oo u hadashay dhamaan dalalka Qaarada Afrika, Israiil, iwm.

Qaybta dhexe waxaad ka dhegeeysan kartaan warbixinta balaaran uu Dr. Shamsul Bari ka diyaariyey xaalada Xuquuqal Insaanka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaad ka dhegeysan kartaan jawaabta ey warbixintaan ka baxsheen dalal aad u tira badan iyo Danjire Yusuf Baribari.

Qaybta seddaxaad waxeey khuseeysaa shirka dhacey 1 Oktoobar oo lagu qaadadhigay Qaraarka ku wajahan Soomaaliya inta aan codka loo qaadin. Waxaad ka dhegeysan kartaan Nigeria oo Golaha u bandhigayso Qaraarka si looga doodo inta aan la ansixinin.

Shirkaaan aan caadiga ahayn oo ka dhacey qolka weyn ee loogu tala galey kulamada rasmiga ah ee Golaha Xuquuqal Insaanka wuxuu furmey 9 subaxnimo ee 29 Sebtembar 2010 wuxuuna soo afjarmay 1 duhurnimo. Sida ku cad linksyada xiga dalal aad u tira badan baa is qorey in ay ka hadlaan, hasa yeeshee 46 oo qura baa ku guuleeystey waayo wakhtiga baa yaraadey.

Safiirka Soomaaliyeed iyo Safiirada Mareekanka waxeey si wada jir ah u qaban qaabiyeen shir ay albaabadu u xirnaanyeen oo lagu casumey Danjirayaasha dalalka deeqda bixiya ee sida gaarka Soomaaliya u daneeya, Ergeyga Gaarka Xoghayaha QM u qabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Philip Mahiga, Khabiirka Caalamiga ee madax banaan Dr. Shamsul Bari iyo madaxda Hay’adaha QM. Soomaaliya waxaa u hadley sii hayaha xilka R/W ku xigeen Mudane Cabduraxmaan Ibbi. Ula jeedada shirkaan gaarka ah waxeey aheyd in si dhab ah looga wada hadlo sidii loo taaba gelin karo wax qabadka dhabta uu shacabka Soomaaliyeed xaqa u leeyahay. Shirkaan gaarka ah wuxuu socdey inta u dhexeeysa 1.30 duhurnimo illa iyo 3.00 galabnimo ee 29 Sebtembar 2010.

Marka la isku daro shirarkaan aan caadiga aheyn oo looga hadley waxa loo qaban karo shacabka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo Xuquuqal Insaanka uu Ilaahey siiyey waxeey socdeen 5 saacadood iyo bar. Taariikhda laguma hayo dal sidatan oo kale looga doodey wax qabadka uu u baahan yahay. Iyo in intaas oo saacadood maalin qura loo qoondeeyey.

Halkaan Tuuji hadaad dooneysid inaad akhridiid Qaraarka la ansixiyay.

Dalal aad u tiro badan baa madasha shirka ka hadley kuwaasoo oo taageero ballaaraan u fidiyey Qaraarka. Inta aan dooda la gunaanadin Danjire Yusuf Baribari ayaa jeediyey khudbad aad loo dhegeeystey. majirin dal qura oo codsaday in cod loo qaado Qaaraarkaan taasoo horsed u noqotay in aqlabiyad buuxda lagu ansixiyo. 38 dal oo lixaad leh iyo 53 dal ee Afrika ayaa Qaraarkaan ayiday inta aan Golaha si rasmi ah loo soo hor dhigin. Waa guul kale oo taariikhi ah oo u soo hoyatey dhamaan umada Soomaaliyeed.

Waxa xiga waa magacyada dalalka ayiday Qaraarkaan inta aan 1 Oktoobaar 2010 si rasmi ah loo soo hor dhigin Golaha Xuquuqal Insaanka ee QM.  53 dalal ee Qaarada Afrika iyo Portugal, Poland, Iceland, Romania, Croatia, Ireland, Slovakia, Spain, Hungary, Sweden, Serbia, Israel, Norway, Australia, Switzerland, United Nations, France, Finland, United Kingdom, Germany, Lithuania, Latvia, Bulgaria, Belgium, Cyprus, Slovenia, Austria, Malta, Italy, Luxemburg, Czech Republic, Canada, Zambia, Turkey, New Zealand, Greece, Japan.

Daqiiqad ka dib marka Qaraarkaan la ansixiyey, Safiirada Mareekanka u fadhida Xaruunta QM ee jineefa waxeey jeedisey khudbab gaaban oo ay si gaar aha ugu amaantey wax qabadka la yaabka leh ee Danjire Yusuf Baribari oo labadii sano iyo lixda bilood ee la soo dhafeey  Golahaan ka fuliyey hawl taariikhi ah inkastoo uusan haysanin haba yaraatee in yar oo dacmi ah,Fadal halka ugu hooseysa Tuuji oo daawo Qudbadii gaabneed ee safiirada Mareykanka.

Qodobada ku xusan Qaraarkaan oo dhamaantood dan u ah Umadda Soomaaliyeed haddii ey DFKMGS iyo Maamul Gobolyedyada ka faa’ideystaan, isheenu waxaa si gooni ah u soo jiiteey hordhacyada 10aad iyo 12aad oo kala ah:

- In xal waara loo helo sababaha iyo astaamaha ay leedahay mushkilada siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee waqtiga dheer ka aloosan Soomaaliya kuwaaso dhaliyey in ay kororto tirada qaxootiga, tahriibka iyo burcad badeeda.

- In gargaarka bani aadanimo iyo mashaariicda hor u marineed ay laf dhabarka u ah la dagaalanka saboolnimada, nabadaynta, xasilinta iyo cadaalad ku dhaqanka bulshada Soomaaliyeed

Iyo Qodobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad oo kala ah:

5) Caambareeyn aad u adag ee ku wajahan falalka argagixisanimo ee Al Shabaab oo ka dhan ah Umadda Soomaaliyeed, DFKMGS, Amisom iyo qorshaha ay kula wareegayaan idaacadaha sida gaarka ah loo leeyahay, gaar ahaan kuwa Muqdisho ka hawlgala;

9) Beesha caalamka ay fuliso ballan qaadyada ay qaadey kuwaasoo Amisom awood u siinaya in ay ceelal qodo, in ay dayac tirto cusbitaalada, dugsiyada waxbarashada, in ay dhisto wadooyin iyo kaabayaal kale;

10)  Xafiiska QM ee Xuquuqal Insaanka uu taageero farsamo ee haboon u fidiyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya oo kala ah DFKMGS, Maamul Goboledyada iyo Bulshada Rayidka ee ku wajahan habka Soomaaliya ay isugu diyaarin laheeyd gorfeeynta xaalada Xuquuqal Insaanka ee ka jirta dalkeena oo bisha Maay 2011 ka dhici doonta magalada Jeneefa;

11)  Dalalka ku bahoobey QM, Hay’adaha QM iyo dalalka sida gaarka ah u daneeya Soomaaliya ay tageero farsamo iyo dhaqaale ay u fidiyaan Dowlada Soomaaliya si ay suurta gal ugu noqoto in si wanaagsan uga qayb qaadato uguna faa’iidaysato nidaamka QM. Hay’adaha QM waxaa la farayaa in ay si buuxda u ixtiraamaan Hay’adaha Dowliga Soomaaliyeed ee guud, Maamul Goboledyada ee ka hawl gala dalka gudahiisa iyo dibadiisaba (labada Ergo Soomaaliyeed ee Joogtada ah oo ka hawl gala New York iyo Jeneefa);

13) Hay’adaha QM, Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya, Khabiirka Caalamiga ee madax banaan oo u xil saaraan la socodka xaalada Xuquuqal Insaanka Soomaaliya iyo Madaxda Soomaaliyeed oo idil in ay si buuxda uga wada shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa geedi socod ay labada dhinacba qaadi doonaan mas’uuliyada ka saaran hir gelinta qodobada ku qeexan Qaraarada Golaha Xuquuqal Insaanka ee si aqlabiyad ah loo ansixiyey 27 Maarso 2009 iyo 2 Oktoobar 2009 kuwaasoo dhigaya habkii Soomaaliya loo nabadeyn karo si loo dhoowro Xuquuqal Insaanka;

14) Dhamaan Hay’adaha iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa la farayaa in madaxda Soomaaliyeed laga caawino habka loo dhisi karo geedi socodka kor ku xusan, taasoo ay Dowlada Soomaaliyeed fursad u siin doonto in ay si joogto ah uga warbixiso Golaha Xuquuqal Insaanka ee QM fulinta geedi socodka kor ku xusan;

15) Sanad baa loo kordhiyey xilliga uu Khabiirka Caalamiga ee madax banaan u xil saaraan yahay la socodka xaalada Xuquuqal Insaanka Soomaaliya.

Hadaba waxaynu oran karnaa in qaar ka mid ah qodobada kor ku xusan horey loogu arag Qaraarada QM. Gaar ahaan qodobka 11aad oo Hay’adaha QM faraya in si buuxda u ixtiraamaan Hay’adaha Dowliga ah ee DFKMGS ee ka hawl gala gudaha iyo dibeda dalka iyo Maamul Gobooledyada.

Ma jiro qof Soomaaliyeed oo ay ka qarsoontahay anshax xumada iyo amar ku taagleeynta aan la qaadan karin ay hawl wadeenada QM oo Nairobi ku sugan kula dhaqmaan Mas’uliyinta iyo hawlwadeenada Soomaaliyeed inkastoo la oran karo in inta badan hawlwadeenadaas Soomaalida ay ayagu halkaas isdhigay.

Ugu dambeyn hawlwadeenada QM waxeey caada ka dhigteen in ay si ba’an ula dagaalamaan mas’uliyiinta Soomaaliyeed ee damiirka iyo wadaninimada ku hartey aan gacanta hoorsanin una taagan in ay kala xisaabtamaan sababta aysan waxba ugu qabanin Umadda Soomaaliyeed oo hantidii loogusoo dhibay ku dalxiisaan.

QAYBTA KOOWAAD EE SHIRKA AAN CAADIGA AHAYN EE 29 SEBTEMBAR 2010
Stand-alone Interactive dialogue on: Assistance to Somalia in the field of human rights

A/HRC/DEC/14/119

Opening remarks by Ms. Navanethem Pillay, High Commissioner for Human Rights

video [English12 minutes

Panelists:
  • H.E. Mr. Abdirahman Haji Aden Ibbi, Deputy Prime Minister, Transitional Federal Government of Somalia
    video [English9 minutes
  • Mr. Shamsul Bari, Independent Expert on the situation of human rights in Somalia
    video [English9 minutes

  • Mr. Augustine P. Mahiga, Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia
    video [English12 minutes
  • Mr. Mark Bowden, UN Resident and Humanitarian Coordinator, UNDP Resident Representative and Designated Official for Somalia
    video [English7 minutes
  • H.E. Mr. Boubacar Gaoussou Diarra, Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and HEAD of AMISOM (African Union Mission in Somalia)
    video [English] [French7 minutes
  • Mr. George Okoth-Obbo, Director of the United Nations High Commissioner for Refugees Regional Bureau for Africa
    video [English8 minutes
  • Mr. Charles Vincent, Director, World Food Programme, Geneva
    video [English8 minutes
  • Mr. Abdullahi M. Shirwa, Chairman, Somali Peace Line
    video [English3 minutes
  • Mr. Omar Farukh Osman, National Union of Somali Journalists
    video [English4 minutes
Interactive dialogue
Council members, Observer States and other observers
Nigeria (on behalf of the African Group)
Mr. Ositadinma Anaedu

video [English3 minutes

European Union
Ms. Radka Patalova

video [English] [French2 minutes

Ethiopia
Mr. Abebe Allehone.M

video [English2 minutes

Pakistan (on behalf of the OIC)
Mr. Muhammad Saeed Sarwar

video [English2 minutes

Italy
Ms. Laura Mirachian

video [English2 minutes

Syrian Arab Republic (on behalf of the Arab Group)
Mr. Faysal Khabbaz Hamoui

video [English] [Arabic3 minutes

Spain
Mr. Javier Garrigues

video [English] [Spanish3 minutes

Egypt
Mr. Ahmed Ihab Gamaleldin

video [English2 minutes

Kenya
Mr. Anthony Andanje

video [English2 minutes

United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland
Mr. Peter Gooderham

video [English3 minutes

Ghana
Ms. Mercy Yonne Amoah

video [English3 minutes

Australia
Ms. Peter Woolcott

video [English2 minutes

Brazil
Ms. Maria Nazareth Farani Azevêdo

video [English3 minutes

Algeria
Mr. Idriss Jazaïry

video [English] [French2 minutes

Switzerland
Mr. Jürg Lauber

video [English] [French3 minutes

United States of America
Mrs. Eileen Chamberlain Donahoe

video [English3 minutes

National Human Rights Institutions and Non-Governmental Organizations
Amnesty International

video [English2 minutes


Cairo Institute for Human Rights Studies

video [English2 minutes

Council members, Observer States and other observers (continued)
Yemen
Mr. Ibrahim Al-Adofi

video [English] [Arabic2 minutes

United Arab Emirates
Ms. Sheikha Salman Al Zaabi

video [English] [Arabic2 minutes

Mexico
Ms. Mariana Olivera West

video [English] [Spanish2 minutes

Djibouti
Mr. Mohamed Siad Doualeh

video [English] [French2 minutes

UNICEF
Nicolette Moodie

video [English2 minutes

Uruguay
Ms. Laura Dupuy Lasserre

video [English] [Spanish3 minutes

Israel
Mr. Aharon Leshno Yaar

video [English1 minute

Japan
Mr. Kenichi Suganuma

video [English3 minutes

Closing Comments and Answers
Panelists:
  • H.E. Mr. Abdirahman Haji Aden Ibbi, Deputy Prime Minister, Transitional Federal Government of Somalia
    video [English8 minutes
  • Mr. Shamsul Bari, Independent Expert on the situation of human rights in Somalia
    video [English1 minute

  • Mr. Augustine P. Mahiga, Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia
    video [English2 minutes
  • Mr. Mark Bowden, UN Resident and Humanitarian Coordinator, UNDP Resident Representative and Designated Official for Somalia
    video [English2 minutes
  • H.E. Mr. Boubacar Gaoussou Diarra, Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and HEAD of AMISOM (African Union Mission in Somalia)
    video [English] [French2 minutes
  • Mr. George Okoth-Obbo, Director of the United Nations High Commissioner for Refugees Regional Bureau for Africa
    video [English2 minutes
  • Mr. Charles Vincent, Director, World Food Programme, Geneva
    video [English2 minutes
  • Mr. Abdullahi M. Shirwa, Chairman, Somali Peace Line
    video [English1 minute
  • Mr. Omar Farukh Osman, National Union of Somali Journalists
    video [English1 minute
QAYBTA LABAAD EE LAGU QAADAADHIGAY WARBIXINTA DR. SHAMSUL BARI EE 29 SEBTEMBAR 2010
Item 10: Technical assistance and capacity–building (Continued)
Independent Expert on the situation of human rights in Somalia
Mr. Shamsul Bari

A/HRC/15/48

video [English5 minutes

Interactive Dialogue
Concerned countries

Somalia

Mr. Yusuf Mohamd

video [English9 minutes

Council members, Observer States and other observers
Nigeria (on behalf of the African Group)
Mr. Frank Isoh

video [English3 minutes

Uganda
Mr. Justinian Muhwzi Katra Ismail

video [English4 minutes

Djibouti
Mr. Mohamd Siad Doualh

video [English3 minutes

European Union
Ms. Radka Patalova

video [English] [French1 minute

Ethiopia
Mr. Abb Allhon.M

video [English2 minutes

Yemen
Mr. Fadhl AL-Maghafi

video [English] [Arabic2 minutes

Egypt
Ms.Hba Mostafa Rizk

video [English2 minutes

Bangladesh
Mr. Mohammd Nor-Alam

video [English2 minutes

United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland
Mr. Philip Tissot

video [English3 minutes

Bahrain
Ms. Budoor Abdulaziz Ahmd

video [English] [Arabic2 minutes

Italy
Mr. Paolo Cuculi

video [English2 minutes

Syrian Arab Republic (on behalf of the Arab Group)
Mr. Faysal Khabbaz Hamoui

video [English] [Arabic2 minutes

Kuwait
Mr. Almashan Zyad

video [English] [Arabic2 minutes

Australia
Ms. Fatima Malik

video [English2 minutes

Algeria
Mr. Idriss Jazaïry

video [English] [French3 minutes

China
Mr. Yang Chuanhui

video [English] [Chinese3 minutes

Saudi Arabia
Mr. Abdulwahab Attar

video [English] [Arabic3 minutes

Canada
Mr. Jffy Haton

video [English2 minutes

Thailand
Mr. Vijavat Isarabhakdi

video [English3 minutes

Norway
Mr. Gir Sjøbrg

video [English3 minutes

United States of America
Ms. Cartton . Forbs

video [English2 minutes

Sudan
Mr. Hamza Omr Hassan Ahmd

video [English] [Arabic1 minute

Sweden
Ms. Carina Martnsson

video [English4 minutes

Switzerland
Mr. Michal Mir

video [English] [French4 minutes

United Republic of Tanzania
Mr. Dusddit B. Kaganda

video [English2 minutes

National Human Rights Institutions and Non-Governmental Organizations
International Educational Development, Inc.

video [English2 minutes

Freedom House

video [English2 minutes

Human Rights Watch

video [English2 minutes

Cairo Institute for Human Rights Studies

video [English2 minutes

Closing Comments and Answers
Independent Expert on the situation of human rights in Somalia
Mr. Shamsul Bari

video [English] 13 minutes

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos