Published On: 10 October 2010 2:11 pm

BANGIYADA ISLAAMKA Maxay ka yiraahdeen dadkii akhriyey?

“Buuggaani waa kayd aqooneed oo tixraac u noqon doona ardada barata dhaqaalaha iyo maaliyadda; kuwa darsa shareecada Islaamka; ganacsatada iyo maalqabeennada u baahan inay maalkooda u jiheeyaan mashaariic iyo ganacsi xalaal ah; mas’uuliyiinta maammulka iyo xeer-dejinta iyo intii daney-neysa in ay wax ka ogaadaan habka maaliyadda Islaamka.”

Prof. Maxamed Dalmar C/Raxmaan Guddoomiyihii (hore) ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

“Buuggaan, oo ah buuggii saddexaad oo uu allifo Saciid Cali Shire, waxaa ku dheehan aqoon qoto dheer oo ruux walba oo muslim ahi u baahan yahay. Runtii, Saciid wuxuu maktabadaha cilmiga ku soo kordhiyey hanti ma-guurto ah.”

Saciid Xaashi Warsame, MAAT, PGD, MA Xeeldheere cilmiga xisaabaadka iyo Bangiyada Islaamka

Buuggaan, Bangiyada Islaamka, wuxuu ina siinayaa ‘khariidad’ ama ‘map’ na haga oo aan u isticmaalno hayaanka dheer, geeddi-socodka gaaban, iyo nolol-maalmeedka dhaqaalaha iyo maaliyadda Islaamka ku salaysan. Wuxuu isku xirayaa mabaadi’dii, maalkii iyo dadkii. Wuxuu albaab u furay cilmi baarayaasha iyo xarumaha cilmibaarista. Waa buug ku habboon in muqarrar ama manhaj looga dhigo jaamicadaha Soomaaliya ku yaal oo dhan. Waa buug istaahila in aad akhrisid, oo ku fakartid, oo waliba ku dhaqantid, oo haddana u hadiyeeysid qof aad jeceshahay”

Prof. Cabduraxmaan Axmed Nuur (Sulub)

Al-Baha University, the Kingdom of Saudi Arabia “Buugga, Bangiyada Islaamku, waa buug mudan in qof kasta oo Muslim ah oo ku hadla afka Soomaaliga uu aqriyo, waayo, waxaad ka helaysaa cilmi lama huraan u ah qofka baranaya cilmiga dhaqaalaha iyo qofka ku jira suuqa ganacsiga.”

Prof. Sh. Cabdirisaaq Hiirad Maxammed Xeeldheere Diinta Islaamka, waxbarashada iyo luqadaha

“Buugga, Bangiyada Islaamku, waa buug anfici doona jiilasha hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka. Waa buug anfici doona dadka ku hawlan inay aqoontooda kor u qaadaan, kuwa ku fekeraya in ay furtaan Bangiyo Islaami ah iyo kuwa ku fekeraya in ay ka shaqeeyaan intaba.”

Sh. Dayib Cali Maxammed, MA Islamic Banking and Finance Xeeldheere cilmiga bangiyada Islaamka

“Kitaabkani wuxuu ummadda Soomaaliyeed u furayaa irido iyo aafaaq cusub oo hore uga daboolnaa. Waxaa laga yaabaa in uu u horeseedo baraarug hor leh iyo isku day hirgelinta nidaamka dhaqaale/maaliyadeed ee Islaamka”

Prof. Jaamac Xaaji Warsame East Africa University, Boosaaso, Soomaaliya

“Buuggaan cusub, Bangiyada Islaamka, waa indhofur taabanaya meelaha ugu muhiimsan ganacsiga. Saciid Cali Shire, juhdi fara badan ka dib, wuxuu inoo daahfuray adeegyada ganacsiga xalaasha ah, tooshna inooku ifiyey madmadowga ka imaan kara. Waa buug anfacaaya dhinacyada kala duwan ee dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed/ganacsi shaqsi, hey’ad, iyo dawlad intaba”

Cabdirashiid Maxamed Cabdi, IBA, MOD, MBA Managing Dorector, Cafa Trading Co. LTD

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos