Published On: 4 November 2010 8:44 pm

Gabadh 10 jir ah oo Caruur Dhashay

Gabadh yar oo 10 jir ah oo u dhalatay dalka Romania ayaa ilma yar ku dhashay dalka Spain, Sidaa waxaa sheegay saraakiisha dalka Spain.

Gabdha yar ayaa umushay gabadh todobaadkii hore, waxaan ay ku umushay magaalada Jerez de la Frontera, sidaa waxaa xaqiijisay Wasiirda arimaha bulshada Spain Micaela Navarro.

Sartaakiisha ayaa hada go’aan ka gaadhaya in ay hooyadan yare e 10 jir ka ah qaadi karto daryeelida ilmaha yare ee ay dhashay.

Aabaha ka dhalay ayaa isana sidoo kale la rumeysan yahay in uu yahay mid ayr oo aan masuuliyad qadi karin, da;diisuna tahay 13, waxaana uu hada ku sugan yahay dalka Romania.

“Waxaanu dooneynaa in aanu xaqiijino in labadaba,hooyadan aan qaan gaarka ahayn iyo ilamaha yar sidii loo daryeeli,” sida aya ay tidhi Ms Navarro.

“Haddii si wacan loo daryeelo waxaa ay noqon karaan qoys,” ayaa ay tidhi.

Ayeeyada ilamaha yar oo ah qabiilka Roma ama Gypsy ayaa xsaqiijisay in gabadheedu tahay 10 jir ah aabaha ilmaha ka dhalayna uu 13 jir yahay.

Gabadheeda 10 jirka ayaa lagu soo waramayaa in ay aaday dalka Spain seddex asbuuc ka hor.

Haweeneydan ayaa sheegtay in gabadheeda iyo ilamaha yarba ay caafimaad qabaan.

Sida ay ku warameyso jariirada maalinlaha ah ee lagu magacaabo Diario de Jerez, oo ahayd jariiradii u hor tabisay warka gabadhan ayaa sheegaysa in ay hooyada weyni la yaaban tahay sababta ay dunida reer galbeedku ugu mashquulsan yihiin sheekada gabadheeda maadama y da’da 10 jir ka tahay xilliga la guursado gabdhaha qabiilka Gypsy.

Tira koobyada la hayo ayaa muujinaya in 177 gabdhood oo ay da’doodu ka hooseyso 15 jir caruuro ku dhaleen dalka Spain sanadkii 2008.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos