Falastiiniyiinta oo wakhti ugu daray Maraykanka xalinta caqabadihii wadahadal
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa wakhti ugu daray Maraykanka in uu ka natiijo keeno wadahadaladii tooska ahaa ee u socday iyaga iyo Isreal,maadaama ay Isreal diiday in ay joojiso dhisamyaasha sharci darada ah ee ay Daanta galbeed ka wado.
Saa ib Curayqaat oo kamid ah madaxda ugu sarsaraysa dhinaca wadahadalka Falastiinyiinta ayaa sheegay in ay wakhti ugu dareeen xiligii ay Jaamacada carabta ugu qabatay Maraykanka in uu kusoo dhamaystiro joojinta Isreal ee dhismayaasha ay xooga uga wado dhulka Falastiin.
Hadalka Saaib Curayqaat ayaa yimi kadib markii uu kulan kula qaatay Washington u qaabilsanaha Maraykanka Bariga dhexe Goarge Mitchel oo ka dalbaday Falastiinyiinta in ay wakhti dheeraad ah u baahntahay xalinta shuraadaha ay labada dhinac ee Falastiinyiinta iyo Isrealiyiintu ay kala wataan.
Curayqaat waxaa uu sheegay hadii ay Maraykanku asbuuc ama labo ay ugu baahan yihiin xalinta arinta caqabada ku ah wadahadalka ee dhismayaasha sharci darada ah ay tahay mid ay siinayaan,maadaama aanay jirin wax degdeg ah oo ku aadan arintaasi.
Raysal wasaaraha yahuuda ayaa Curayqaat sheegay in ay labadiisa gacmood ay ku jirto in uu kala doorto wadahadal ama dhisamayaasha sharci darada ah,mana soo dhoweynayno ayuu yiri Saaib Curayqaat hadii ay Yahuudu sidaas wax kusii wado.






