Published On: 21 November 2010 11:07 pm

Madaxwene Ku Xigeenka Dawladda Puntland oo Tacsi u Diray Laba Suldaan oo Geeriyooday

Share in top social networks!

Madaxweyne ku xigeenka dawladda puntland ahana sii hayaha xilka madaxweynaha gen C/Samed Cali Shire ayaa maanta 21,11,2010, tacsi y diray eheladii  qaraabadii asxaabtii iyo umadda reer puntloand uu ka geeriyeedoay suldaan ciise xasan cumar oo  habeenidii xalay oo sabti ahayd lagu dilay magaalada boosaaso, madaxweyne ku xigeenka ayaa suldaan ciise xasan ku tilmaamay inuu ahaa nin nabad jecel oo ka shaqeeyey horumarka ay puntland ku talaansatay, wuxuuna ilaahay uga baryey inuu janadii fardawsa uu ka waraabiyo samir iyo imaana ilaahay ka siiyo eheladiisa.

Mudane Cabdi Samed Cali shire ayaa dhamaan ciidamada amaanka ee dawladda Puntland ugu baaqay inay sugaan amaanka dadka waxtarka u leh bilshada, isagoo madaxweyne ku xigeenku ku nuuxnuuxsaday inaysan ka hadhayn cidii ka damabaysa dilka Suldaan Ciise Xasan Cumar.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahana ku simaha xilka madaxweynuhu waxa uu sidoo kele uga mahad celiyey bulshada reer garoowe sidii ay soo dhaweeyeen toddobaadkii hore markuu soo gaaray caasimada puntland oo uu ka maqnaa muddo afar bilooda.

Sidoo kele mudane c/samed cali shire madaxweyne ku xigeenka ahna  ku simaha  xilka madaxweynha pl waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday suldaan xasan xaaji cabdi baale oo toddobaadkii hore ku geeriyooday degmada qaloocan ee gobolka wardheer ee kililka shanaad ee dalka ethiopia.wuxuna xusay inuu suldaal xasan xaji cabdi baal uu ka mid ahaa isimada soo jireenka ah aadna looga yaqaanay puntland iyo bariga eyhiopia, eebe waxa uu uga baryey inuu naxriistii jano ilaahay ka siiyo.

Share in top social networks!