Published On: 8 December 2010 11:36 pm

Taageerayaasha Wikileaks oo Weerar Dhinaca Internetka ah ku Qaaday Shirkadaha Mareykanka

Mareegaha Internetka ee shirkada caalmaiga ee credit card MasterCard iyo xeer ilalainta dalka Sweden ayaa ka mid ah kuwii u dambeeyey ee hawada laga saaro ka dib markii ay weerar ku sooq aadeen dhalinyaro ka damqatay weerarkii lagu qaaday Wikileaks.

Waxaana socoda weli dagaalka dhinaca Internetka ee loogu aar gudayo Wikileaks ee ay qaadeen dhaqdhaqaayahanada taageera Wikileaks.

Weeraro xidhiidh lahaa oo dhinaca Online-ka ka dhacay oo ay qaadeen tageerayaasha aasaasihii Wikileaks Julian Assange –oo hada ku jira jeel ku yaala dalka Ingiriiska laguna eedeyey in uu faraxumeeyay laba dumar ah oo u dhashay dalka Sweden– ayaa waxaa ay hawada ka saareen Website-ka qareenka u doodaya labadaasi dumarka ee dacwada ku soooogay Julian, Halka weerar kalana lagu qaaday bartilmameedyo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada oodhan ka aha Wikileaks waxaana duulaankan iska kashanaya koox dunida ood ahn ku sugan oo ku taqsustay sida loo jebiyo mareegaha (Hackers).

Xeer Ilaalinta dalka Sweden ayaa xaqiijisay in la soo weeraray website-kooda xalay iyo saaka. MasterCard  ayaa gabi aahanba la curyaamiyay maanta taso lagag aar gudayo go’aankii ay shirkadu ku xidhay account-da deeqda loogu dirayey Wikileaks.

Weeraradan ay soo qaadeen taageerayasha Wikileaks ayaa loogu magacdaray Operation Payback, koox dhaqdhaqaayahano ah oo qadka internetka kuwada xidhiidhaya oo isugu yeedhay Anonymous ayaa u muquda in ay soo abaabuleen weeraradan iaygoo adeesgsanaya (Code) la yiraahdo DDoS (distributed denial of service) kaaso ay ku weerarayaan website-yada dhinaca maaliyada waxaana uu Code-ku joojinayaa dhamaan adeega xarumahaasi.

Isku day badan oo aanu ku eegnay in aan booqano bogga www.mastercard.com ayaan suuragalin maadama boggaasi hawada laga saaray.

Shirkada MasterCard ayaa kudoodaysa in uu soo wajahay culays dhinaca traffic-ga ah waxaana ay ku adkaysatay in uusan waxsaameynah ku yeelan doonin adeega dhinaca kala xawilida lacagaha.

Balse Shirkad kuwa lacag bixinta ah ayaa u sheegatay BBC in macaamiisheeda ay soo wajahday caqabad dhinaca adeegsiga MasterCard taaso hakad gelisay shaqadoodii.

MasterCard ayaa isniintii sheegay in ay gebi ahaanba fadhiisinayaan account-da dhinada deeqda ee Wikileaks iyagoo ku eedeeyay in uu ku lug lee yahay hawlo shirci daro ah.

Visa, Amazon, Swiss bank PostFinance iyo kuwo kaloo badan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay wada shaqeyn la sii lahaadaan Website-kaa siraha fashiliya ee Wikileaks,

Hawlgalkan loogu yeeray Operation Payback, ayaa bartilmaameedsanaya shirkadaha ganacsi ee xidhiidhka u jaray Wikileaks,sidoo kale kooxda garwadeenka ka ah hawlgalkan ayaa hanjabaad u diray shirkado kale oo ay ka mid tahay Twitter oo ay ku eedeeyeen in ay cadaadis ku hayso webka.

“Weerar ayaanu ku qaadeynaa qof kasta oo isku daya in uu qariyo Wikileaks, xitaa haddii ay yihiin shirkadaha bilyanaarka ah sida PayPal,” sidaa waxaa lagu sheegay warbuixin la isla dhexmarayay mareegaha lagu wada hadlo ee Internetka taaso u muuqatay in ay ka soo baxday kooxda Operation Payback.

“Twitter, adiga ayaa ku xiga haddii aad isku daydo in aad sheekooyinka #WikiLeaks aad tafatirto,” ayaa warbixintu raacisay.

Twitter oo taa ka jawaabaysa ayaa beenisay in ay tafatirtay sheekooyinka #WikiLeaks.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos