Published On: 13 December 2010 8:09 pm

Warbixin Ku Saabsan Waxbarashada Degmada Xuddun (Sawiro)

Qormooyin badan ayaa waxaan ka samayn doonaa waxbarashada magalooyinka hoos yimaada degmada Xudun oo ka mid ah gobolka sool , qormadaan ayaan waxaan ku eegi doona xalada waxbarasho ee magaalada Xuddun
Degmada xuddun ayaa ka mid ah magaalooyinka hoos yimaada Gobolka sool, waxayna u jirtaa magalada Laascaanood ee Gobolka sool ilaa 90 km , halkaTuulada Awbooogaysna jirto 31 km .

Hadaba warbaahinta Radiolaascaanood ayaa u kuur gashay xalada degaankaas gaar ahaan xalada bulsho iyo waxbarashada ka jirta magaaladaas .

[flash_easy_gallery 14 /]

Inta ka badan 600 arday ayaa wax ka bartaDugsiga hoose dhexe ee Degmada xudun halka ay 300 arday kor u dhaafaysa ay waxkabartaan Dugsiga sare ee magaalada Xudun.

Dugsiga hoose dhexe ayaa waxa uu kaban yahay ilaa 8 fasal oo iyagu ah oo iyagu ah kuwii ay dhiseen Dawladii Dhexe ee soomaliya marka l;aga reebo labo galaas oo ay dadka deegaanka iyo hay,ada Adra oo kahawlgasha puntland.

Maamulaha guud ee Dugsiga hoose dhexe ee Degmada xudun (Hure Hiirad liibaan) ayaa u sheegay warbaahinta caalamiga ah ee Radiolaascaanood , in schoolku uu ku tiirsan yahay fiiga ama lacagta laga qaado ardayda , halka dadka ganacsatada ahina waxii karaan kooda ah ay ugu deeqaan schoolka .

Sidoo kale maamuluha ayaa waxa uu dhaleeceen u soo jeediyay Jaaliyada Deegaanka oo marar badan balan qaadan usameeyay waxbarashada deeganka Xudun waxa uu yiri maamuluhu Marar badan ayay waxa ay noo balan qaadeen in ay agab soo gaarsiin doonaan schoolka lakiinse waxay noqotay hal bacaad lagu lisa, waxa kale oo uu sheegay qaarkamid ah jaaliyada deegaanka oo marar badan iskuulka marka ay yimadaan magalada ay filmaan iyo warbino naga siiduubtaan hase ahaate markay warbixinta naga qataan aysan dib noogu so noqon.

Hadaba jaaliyada Degmada xudun waxan ugu baaqaya inay Degaanka kooda wax ka qabtaan xaga waxbarsho iyo Dhinaca caafimaadka sababtuna tahay intii burburkii dhacay dawladii Somaliya dhacay Ninkastoo soomliyaba waxa uu usoo tafaxaytay sidii uu Deegaankiisa u horumarinlahaa

kayse xasan faarax oo kamid ah macalimiinta wax kadhiga dugsiga hoose dhexe Degmada xudun ayaa isna sidoo kale dhalaycayn xoogan u soo jeediyay jaaliyada deegaanka xudun oo kultilmaamay wax laga xumaado jaaliyada dibada, sababtoo ah deegaankii ay u dhasheen oo uga bahan waxqabad inay deegaano kale inay horumarkooda kashaqeyaan

Si kasta ha ahaatee xaalka waxbarashoo ee deeganka Xuddun ayaa ah mid aad u wacan kana fiican say ahaan jirtay inkastoo jaaliyada ama maamulda dhinacyad kaxiga anay wax gacana kagaysan.

Isha:RadioLaascaanood

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos