Published On: 16 December 2010 7:30 pm

Sool, Gedo, Mudug iyo Banaadir oo ismari waayey

Cayaaro xiisa badan oo maanta 16.12.2010 ka dhacay garoonka Mire Awaare ayaa cayaarta ugu horaysa waxay dhexmartay Gobolada Sool iyo Gedo.

Cayartan oo ahayd midii ugu goolasha badanayd inta uu tartankani socdey, waxaana labada kooxood ay ku kala baxeen barbardhac 3-3.

Gooldhalinta waxaa ku horumarmaray gobolka Gedo, iyadoo cayaarhanada Gobolka Sool wax yar ku qaadatey iney barbardhac helaan.

Waxaa xusid mudan in labadan koxood laba cayaaryahan oo ka mid ahi loo Taagay kaadhka Guduudan.

Markii cayaartu dhamaatay oo ay daawanayeen dad aad u farabadan ayaa waxaa garoonka soo galay cayaaryahanada G.Banaadir & Mudug, Cayartan oo ahayd mid degan labada kooxdna ay soo bandhigeen cayaar qancisay dawaadayaasha ayaa markay bilaabantayba waxa Gool dhaliyey G/mudug.

Gobolka Banadir ayaa intaasi ka dib bilaabay weeraro aan kala joogsi lahayn, waxana weeraradaasi sababeen in gobolka Mudug khalad ku galo gooka agtiisa,  garsooraha ayaa markiiba ku dhawaaqay taasoo goolashii ka dhigtey 1-1.

Dhinaca kale cayaryahan ka mid gobolka Banaadir ayaa kaadhka cas qaatay qaybtii dambe ee cayaarta.

Afartan Kooxood ee maanta cayaaray ayaa ka wada tirsan Group B, mana jirto koox hogaaminaysa maadaama dhamaantood kala baxiwaayeen.

Cabdiqani Irbad

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos