Published On: 28 December 2010 8:02 pm

Gobolka Banaadir oo u Soo Baxay Fiinalaha Ciyaaraha Gobollada

Ciyaartoyda Xulka Gobolka Banaadir ayaa maanta u soo baxday Ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka u yaalla Gobollada dalka Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Garowe.

Ciyaar aad u xiiso badneyd oo maanta Garoonka Mire Awaare ku dhex maray Gobollada banadir iyo gobolka Martida loo yahay ee Nugaal ayaa lagu daray Daqiiqado dheeraad ah kaddib markii waqtigii ciyaarta ay ku soo gabagabowday Barbar dhac.

Waqti dheeraad ah oo lagu daray kaddib waxaa loo baahday in lagu kala baxo Gool ku laad, waxaana sidaas ku soo baxay xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ciyaar aan wanaagsaneyn ku bilowday tartanka Ciyaaraha Gobollada.

Xulka Nugaal ayaa ka haray maanta tartanka, waxayna soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo dad badani jecleysteen.

Gobolka Banaadir wuxuu la ciyaari doonaa labada Xul ee Bari iyo Jubada Hoose kii soo badiya kulanka Maalinta berry ah ka dhici doona Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe oo noqon doona mid xiiso gaar ah leh.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos