Published On: 24 February 2011 5:13 pm

Maxaa kala Haysta Nolosha Kenya iyo Gabdhaha Soomaliyeed?

Kenya waxay ka mid tahay meelaha ay sida aad ka ah ugu barakaceen shacabka soomaliyeed kadib makii ay ka dhaceen wadanka Soomaliya dagaallo ba’an oo aan wax naxariis lahayn haba . yaraatee .colaadaha is si soo taraya maalinba maalinta ka danbaysa ee ka taagan gudaha dalka soomaaliya waxa ay sababeen dhaqamo kala duwan oo ku yimid haweenka Soomaaliyeed ee u baqoolay wadamadda shisheeye wixii ka danbeeyey bur-burkii dowladii dhexe ee soomaaliya.

Wadankaani kenya waxaa ku nool kumanaan haween Soomaaliyeed ah oo aan haysan meel ay seexdaan iyo wax ay quutaan toona taasina waxa ay keentay in boqolaal gabdhood ay marin habaabeen oo ku dhaqmaan waxyaabihii ay ka faani jireen dumarka  Soomaaliyeed. waxa ayna ahaayeen gadhaha ay ku faanaan ragga  Soomaaliyeed ee ku nool geska afrika marka ay joogan wadamada shisheeye ee ka baxsan Soomaaliya hadana waxaa muuqata in laga cararo amaba laga shakiyo marka la arko gabadh Soomaali ah wana wax laga xumaaddo .

Magaalada Nairobi oo ah caasimadda wadanka Kenya ayaa waxaa ku yaalla huteello kala duwan oo ay leeyihiin ragg maalqabeen ah isla markana ay ku soo dagaan ragga ladan oo ka yimaadda caalamka dacaladiisa . raggaasina waxay isugu jiraan kuwa dhawrsan iyo kuwa beerta galay waxana inta badan dhac xariiro kala duwan oo ay la sameeyaan gabdhaha ku dhaqan magaladda Nairobi raggaasi hadaf kaydoonanba haka lahaane.

Nolosha Kenya oo ah mid aad u adag ayaa waxa ka samatabixi kara qof Alle u naxariistay oo kaliya. Dumarku waa dad aad u jilicsan oo aan dul qaad lahayn. Wax yabaha mucjisada ah ee ku dhaqmaan gabdha Soomaalida ee ku nool Nairobi waxaa ka mid ah, saacadu markay gaadho 5:30 galabnimo ilamaa laga gaaro 11:00 fiidnimo waxaad arkaysaa gabdha yaryar oo Ilaahy quruxi u dhameeyay oo huteellada ku qulqulaya haday yihin kuwa ku yalla xaafada Soomalaidu ku badan tahay ee islii iyo kuwa Magaalada hoose (Down Town) Nairobi.

Baadhitaan  dheer ka dib waxaan ogaaday in hablaha Soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan in ayu bilaabeen in ay hab casriyaysan uga ganacsadaan jirkooda iyagoo taa sabab uga dhigaya duruufo adag oo la soo dersay.

Waxaa ay Huteelada kula kulmaan oo uu heshiis dhexmaraa ragg Soomali iyo shisheeyaba ah gaar ahaan Soomaalida qurbaha ka timaado.

Dhawaan waxaan kula kulmay mid ka mid ah huteelada magaalada Nairobi gabadh Soomaali ah is wareysi gaaban ka dib waxaa ay magaceeda iigu soo koobtay Sahara, waxaa ay ka timi dalka Soomaaliya dhawaan.

Waxaan weydiiyay baklin ay degan tahay huteelka iyo in kale? waxaana ay iigu jawaabtay “maya ma degani ee waan u soo qaraab tagay”.

Qaraab tagay? Waa uu igu adkaaday in aan fahmo waxa y ula jeday eragaasi,waxaan ku celiyay suaal labaad oo ah, Miyaad ka shaqeysaa? waxaana ay ku jawaabta, “Abaayo maxaa kaa qaldan aniga meeshaan waxaan u imaaday in aan ka qaraabto nimanka lacagta leh” ayey tiri iyadoo madax raaracinaysa.

Mar aan Sahara weydiiyay hawshan ay ku jirto waxa ku kelifay ayaa ay ii sheegtay in ay dhamaan ehelkeedii soke sida waaladiinteed iyo walaalaba ay ku weyday dagaalada Soomaaliya dhawaan ay soo gashay Kenya oo ay ku adkaatay in ay dhaqaalo ahaan is deberto.

” Waxana dagaalada ku waayey waalidkay, walaalahayga iyo heladayda taasina waxay igu noqotay niyad jab iyo in aan ka haro asaagay oo aan wayey wax daryella noloshada”.

Su’aasha kale ee aan waydiiyey Sahro waxay ahayd. Madaama ay tahay arinkaan aad ku dhex jirto mid Ilaah xarantinimeeyey ma laga yaabaa in aad ka harto? Waxaa ay si deg deg ula soo booday haa! haa! Waan ka harayaa haddii aan hello habkale oo aan ku debero noloshayda.

Hablaha Soomaaliyeed ayaa ahaa kuwa sharaf iyo qiima ku dhex lehaa bulshada Soomaalida hase ahaate burburkii dalka ayaa waxa laga dhaxlay dhaqo aan hore loogu arag Soomaalida waxan halka ku soo bandhigayaa eryo aan ka soo qaatay hees Somaali ah oo cabiraysa qiimaha ay hablaha Soomaaliyeed lahaayeen iyo sida ay isu bedeleen:-

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Gebegebadii waxaan ku waaninayaa hablaha Soomaaliyeed in ay qaataan oo ay kud ahqmaan maahmaahiid Soomaaliyeed ee ahayd “Waan baahanahay Bakhtiga Loo ma Cuno” Waxaan idinku waaninayaa in aad ka waantoow daan dhaqamadan aan aakhiro iyo aduunba idiin wanaagsaneyn ee aad dhex dabaalaneysaan qiilna idiin noqon meyso duruufo dhaqaalo ayaan nahaysa .

Ubax Daahir Cismaan [ubax laki]
ubaxdahir2000@hotmail.com

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos