Nin 39 Xaas Qaba,94 Caruur ah Dhalay 33 Kalana Awoowe u ah (sawiro)
Nin 66 jir ah oo u dhashay dalka Hindia ayaa qaba 39 xaas, waxaana ay u dhaleen 94 caruur ah, iyadoo ninkani ay ilmihiisu ilmaha ay sii dhaleen ay gaarayaan 34 caruur ah dhamaantood sar qura ku wada nool yihiin.
Ziona Chana waa ninka 39-ka xaas qaba, waxa uu sheegay wali inuu ku han weyn yahay inuu sii badiyo xaasaskiisa, iyadoo uu xusay inuu jecel yahay in meel qura ay ku wada noolaadaan.
Mr Ziona waxa uu heystaa Mad-hab ka mid ah diinta kiristaanka (masiixiga) oo lagu magacaabo Chana taaso ogol in la guursan karo hal xaas ka badan. Mad-habtan ayaa la sameeyay sanadkii 1942, waxaa ay aaminsan taahy mad-habtu in ay dahwaan dunida oo dhan mamauli doona, dadka dariiqadan aaminsan ayaa ka kooba 400 xubnood oo kaliya dunida oo dhan.

Si kastaba ha ahaate Ninkan iyo xaasaskiisa waxaa ay kuwada nool yihiin aqal afar dabaq ah oo ka kooban 100 qol.
Xaasaskiisu waxaa ay wada seexdaan badidooda hool weyn oo aqalkaasi ku yaala dadka deegaankuna waxaa ay sheegeen in uu jecel yahay in ay ag joogaan mar waliba todoba ama sideed ka mid ah xaasaskiisa.
Wiilsha uu dhalay iyo xaasaskiia iyo dhamaan caruurta kale ayaa qolal kale duwan ku kala nool balse waxaa kawada dhaxaysa hal jiko (kushiin).
Xaasaska ayaa maalinba qaar aaya cunada kariya halka gabdhaha uu dhalayna ay nadiifiyaan aqalka iyo dhaqida dharka. Wiilshuna waxaa ay qabtaan shaqada banaanka sida falida beeraha iyo xoola raacida.
Qoyskani, Waxaa uu ka kooban yahay guud ahaan 167 qof, Waxa aay quutaan maalin kasta 91 kiilo oo bariis ah iyo 59 kiilo oo baradha ah. Dahqaalaha soo gala ayaa ah mid ay shaqeystaan iyo mid ay ugu deeqaan dadka ay isku mad-habta yihiin.











