Published On: 7 March 2011 9:08 pm

Maxaad ka Taqaan Naagta ugu Dahabka Badan Dunida

Tan iyo markii uu bilawday kacdoonka dalka Libya 17 bishii Febraayo, marwada koowaad ee dalka Libya Safiya Farkash magaceedu kama uusan muuqan warbaahinta si la mid ah dhigeedii dalalka masar iyo Tunisia inkastoo ay tahay haweenay hanti xad dhaaf ah leh saameyna ku leh siyaasada dalka Libya.

Safiya Farkash waxaa ay iska leedahay shirkad diyaarado oo lagu magacaabo Burqa Air saldhigeeduna yahay garoonka caalamiga ee caasimada ku yaala lagu magacaabo Mitiga. Safiya ayaa madax ka ah shirkada iaydoo ogolaansho ka haystada odaygeeda waxaana ay shirkadu loolan kula jirtaa shirkada diyaaradaha ee qaranka hase ahaate shirkada Safiya waxaa u xidhan oo ay kaliged qaada safarada dhinaca xajka.

Wararka ku saabsan hantida Safiya ayaa kala duwan, hase ahaate midka sida weyn loo hadal hayo ayaa ah in ay marwada koowaad ee Libya lee dahay 20 tan (20 Ton) oo dahab ah oo u dhigma 18144 Kilo.

Bogga Internetka ee Wikileaks ayaa dahwaan daboolka ka qaaday in Gaddafi masuul ka yahay qoys awood badan oo qani ah balse kala qaybsan oo aysan wada shaqeyn ka dhaxayn.

Safiya Waa qof heer hoose u nool oo aan jeclayn in la ogaado nolosheeda waxaana ay ku safarataa diyaarad kira ah.

Muddadii ay dalka Libya haysatay qalaalasihii Lockerbie, urur caalami ah oo ka soo horjeeda dambiya dadagaalka (ICAWC) oo xaruntiisu taahy Faransiiska ayaa daboolka ka qaaday sanadii 1992 in hantida Gaddafi gaadhay xiligaa 80 Bilyan oo doolar halka xaaskiisuna lagu qiyaasay hantideeda 30 bilyan 00 doolar.

Safiya Farkash al-Baraasi Waa xaaska labaad ee Hogaamiyaha Dalka Libya Muammar Gaddafi. Waxaa ay ku dhalatay magaalada al-Baida ee bariga Libya waxaan ay ka soo jeeda qabiilka al-Baraaesa . TWaxaan ay is barteen iyada iyo Gaddafi iyadoo kalkaalisa caafimaad ah mar sanadkii 1971 lagu sameeyay Gaddafi qaliin dhinaca caloosha ah. Waxaana ay is guursadeen isla sanadkaa waxa aay u dhashay todoba caruur ah oo kala ah lix wiil iyo hal gabadh.

Sanadkii 2008, Waxaa Safiya loo doortay madaxweyne ku xigeenka Hay’ada Marwooyinka koowaad ee Afrika xiligaas oo ay ku kulmeen magaalada dalxiisa Sharm al-Sheikh ee dalka Masar inkastoo aysan shirkasi ka qayb galin.

Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in Safiya Farkash iyo gabadheeda Ayesha ay u baxsadeen dalka jarmalka hadana ma jirto cid xaqiijisay ama beenisay warkaasi.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos