Arsenal iyo Roma oo Laga Reebay Champion-ka
Kooxda Arsenal ayaa xalay ka hartay tartanka koobka qaarada Yurub ee Champions League, kaddib markii uu naadiga Barcelona 3-1 kaga badiyay lugtii 2-aad ee ciyaarta wareegga 2-aad ee tartanka.
Horay ayaa Arsenal waxaa ay garoonkeeda Emirates ee magaalada London ay Barcelona kaga soo adkaatay 2-1, hase yeeshee guud ahaan goolasha marka la isku geeyo waxaa 4-3 ku badisay Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan, waxaana uu weeraryahankeeda Lionel Messi dhaliyay goolkii ugu horreeyay oo aad u wanaagsanaa daqiiqaddii 45-aad ee ciyaarta. Daqiiqaddi 53-aad ayaa Sergio Busquets waxaa uu kooxdiisa ka dhaliyay gool, ciyaartana waxay noqotay 1-1.
Laakiin Xavi Hernandez iyo Lionel Messi ayaa Arsenal 2 gool oo kale ugu daray.
Ciyaaryahan Robin Van Persie oo kooxda Arsenal ay si lama filaan ah ugu soo dartay ciyaaryahannada u safanaya kulankaas ayaa daqiiqaddi 56-aad bannaanka loo saaray, kaddib markii uu garsooruhu u taagay kaarka gaduudan.
Dhinaca kale, kooxda AS Roma ayaa iyadana xalay laga saaray tartanka, kaddib markii ay 3-0 ku quusisay kooxda Shakhtar Donetsk ee dalka Ukrein. Roma ayaa guud ahaan waxaa looga badiyay 6-2.
Waa markii ugu horreysay oo kooxda Shakhtar Donetsk ay gaarto qeybta quarter finalka ee ciyaaraha Champions League.










