Published On: 18 March 2011 7:43 pm

Isku aadka wareega 8-da Champions League oo la sameeyay (Chelsea vs Manchester, Real Vs Tottenham)

Isku aadka wareega 8-da Quarter Final Koobka Horyaalada Qaarada Yurub oo aad loo dhowrayay ayaa goor dhoweyd la sameeyay, iyadoo kooxo dhowr ah oo aan la saadaalineyn inay isku aadaan, ay si rasmi ah isugu soo beegmeen.

Xiriirka Kubada Cagta Uefa ayaa soo bandhigay shaxda isku aadka wareega 8-da, iyadoo xiisaha tartanka uu markan uu dhadhan u yeelay kooxihii saddex sano ka hor isku arkay Finalkii Magaalada Mosco ay markan isku soo aadeen, waa kooxihii xafiiltanka ka dhaxeeya ee Premier League ciyaara Chelsea iyo Manchester United.

Chelsea waxaa wali dhagahooda ka guuxaya Koobka sida sixirka looga qaaday saddex sano ka hor 2008-dii markii rigoorayaal ay uga qaaday Kooxda Macalin Sir Alex Fergusen, balse wareega 8-da ayaa dagaal la mid ah kii Finalkii uu dhex mari doonaa.

Kooxda malaayiinta lacageed ku qarash gareysay iibsiga ciyaartoyda aduunka ugu wanaagsan Real Madrid oo tan iyo sanadkii 2003/04 aan haba yaraatee wareega 8-da soo gaarin waxay markan is wajahayaan kooxda dheereysa ee Reer Ingiriis Tottenham.

Waa sheeko mar kale si weyn looga xiiseynayo Garoonka Bernabue marka shumaca Tottenham Van Der Vaart uu dib ugu laabto garoonkiisa hore, taasoo ciyaartaas noqon doona mid ay ku wada jilbo murxaan.

Kooxda difaacaneysa Koobka Inter Milan oo tallaadadii ciyaar cajiib laheyd kaga soo taqalustay Kooxdii geesaha weyneyd ee Reer Jarmal Bayern Munich, waxay mar kale ku aaday kooxdii labaad ee Jarmal waa FC Schalke 04, labadan kooxood ayaa isugu dambeysay 1997-kii Finalkii ay ku kulmeen Koobkii la oran jiray Uefa Cup, balse haatan loo badalay Europe League, waxaana sanadkaas Inter rigoorayaal looga qaaday koobkaas.

Sidoo kale Kooxda kale ee Barcelona ayaa noqotay kooxda ugu nasiibka badneyd, markii ay ku soo beegantay kooxda hogaanka Horyaalka Ukraine heysa ee Shakthar Donestk, balse wareega 16-ka ku soo cuntay kooxda reer Talyaani ee As Roma.

Hadaba waxay isugu beegmeen kooxuhu sida tan iyo taariikhda la ciyaarayo

Quarter-final draw (5/6 and 12/13 April)

Real Madrid CF (ESP) v Tottenham Hotspur FC (ENG)
Chelsea FC (ENG) v Manchester United FC (ENG)
FC Barcelona (ESP) v FC Shakhtar Donetsk (UKR)
FC Internazionale Milano (ITA) v FC Schalke 04 (GER)

Isku aadka Sema-finalka kooxihii soo baxa sidan ayay isugu beegmayaan

Semi-final draw (26/27 April and 3/4 May)
1: Inter/Schalke v Chelsea /Manchester United
2: Madrid/Tottenham v Barcelona/Shakhtar

Ciyaarta Finalka waxaa la ciyaari doonaan 28-ka May Garoonka Wembley

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos