Published On: 22 March 2011 8:15 pm

Dowladda FKMG ah oo howlgalisay Park Strategies si ay ugu ololeyso arrimaha shacabka Soomaaliyeed

War-saxaafadeed

(Muqdisho, Isniin 21 Maarso 2011) Dowladda Federalka KMG ah iyadoo in muddo ahba waday dar-dargelinta maamul wanaaga iyo sidii shacabka soomaaliyeed danahooda loo horumarin lahaa ayaa waxey howlgelisay shirkadda la yiraahdo Park Strategies oo caan ah si wanaagsanna looga xushmeeyo dalka Mareykanka. Howlaha ay u qabaneyso Dowladda Somalia ayaa waxaa ka mid ah:

1. U ololeynta danaha dalka Somalia uu ka leeyahay Mareykanka;

2. Soo celinta xiriirkii diplomaasi ee Somalia iyo Mareykanka;

3. Arrimaha ay ka shaqeyneyso waxaa kaloo ka mid ah sidii ay ugu ololeyn laheyd madaxbanaanida dalka, iyo midnimada dalka;

4. Soo jiidashada caalamka ee arrimaha dalka Somalia iyo qeylo dhaan u sameynta arrimaha muhiimka u ah shacabka soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa yiri “Waddan walba oo caalamka ka mid ah waxuu leeyahay dad u ololeeya arrimahooda kana gada caalamka. Haddaba Dowladda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda ayey wada hadal la gashay Park Strategies oo aan weliba ku guuleysanay in qiimo jaban ay howlaha baaxadda leh ee muhiimka u ah dalka ay noogu qabtaan oo 70% qiimo dhimis naloogu sameeyey daruufaha na heysta awgood.

Waxaa muqadas ah in codkeena laga maqlo Washington, howsha ay shirkaddan noo qabaneyso ayaa ah mid codkeena gaarsiin kara caalamka oo dhan”.

Park Strategie waxaa aasaasay Alfonse M. D’amato oo horey 18 sano Senator ahaa, waxuuna guddoomiye ka soo noqday guddiga Senateka ee Bankiyada, waxuuna xubin ka soo noqday guddiga dhaqaalaha ee Senateka. Sidaas daraadeed khibradda ay shirkaddan leedahay iyo xiriirkeeda wanaagsan ee dalka Mareykanka ayaa ah kuwo lagu kalsoonaan karo, isla markaana laga fili karo in arrimaha shacabka soomaaliyeed ay helayaan ka warqabkii in muddo ahba la sugayey.

- DHAMAAD -

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

 

 

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos