Published On: 23 March 2011 7:24 pm

Gabadh Soomaali ah oo Qarka u Saaran in ay Isdisho ka Dib Markii La Faafiyay Iyadoo Qaawan (Video)

Gabar Soomaaliyeed oo degan Magaalada Minnessota ee Dalka Mareykanka ayaa arin murugo badan la soo deristay,kadib markii Nin Soomaaliyeed oo caan ka ah inuu si xirfadeysan gabdhaha u kufsado uu ka  duubay Video xili uu kiniini mandooriye ah oogu daray Casiir ay cabaysay,kadibna kolkii ay miirkeedii doorsoomay ka qaaday Sawiro  iyadoo qaawan oo nuudo ah.

Ninkan ayaa Gabadhan dhibanaha ah  markasta oogu hanjabi jiray hadii aysan qasab kula galmoon inuu Sawirada uu ka qaaday inuu faafinayo,wuxuuna sawiradii uu ka qaaday hadda bilaabay inuu 5-Dollar ooga iibiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka Mareykanka,waxayna arintani sababtay inay go’aansatay inay is-disho,inkastoo saaxiibadeed kula taliyeen inaysan nafteeda haligin,balse ay Saxaafada u soo bandhigto dhibaatada lagula kacay si markaas looga hortago in ninkan dembiilaha ah maxkamad cadaalad ah lasoo taago.

Gabadhan ayaa Saxafiyad Mareykan ah ooga sheekeysay in ninkan dembiilaha ee falkan kula kacay uu sidoo kale sawiro qaa-qaawan ka duubay gabdho da’yar ah (Teen-Age)kuwaasoo uu badankood Casiirka oogu daray daroogo,kadibna sawiro ka qaaday,isagoo ka iibinaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maretkankan ku dhaqan.

Arintan ayaa waxaa hadda baaritaan ku-haya Booliiska Mareykanka ee Gobolka Minessota.

Nasiib-darrada oogu daran ee heysata Gabadhan  ayaa noqatay,iyadoo xabsi ku ah guriga reerkooda,kana baqaysa dibada inay u soo baxdo,waxayna aflagaadooyin kala kulantaa Soomaalida,iyagoo dhaha Sharmuuto ayaad tahay,waayo sawiradaadii ayaa dariiqayada Ceder-Avenua iyo Karamel ee Minnessota ku-yaal lagu iibiyaa.

Haddaba waxaa la gudboon Culimadda iyo Dhalinyaradda Aqoonyahanadda ah ee Minnessota degan inay gabadhaan u gar-gaaraan inta aysan nafteeda dhib soo gaarsiin

 

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos