Published On: 29 March 2011 10:48 pm

Goal Line Video” Oo La Isticmaali Doono 2014

Madaxweynaha FIFA Sepp Platter ayaa Xaqiijiyay in la isticmaali doono adeega Goal Line Video oo ah Aalad Casri ah oo sheegeesa hadii kubadda ay dhaafto leenka u dhaxeeya labada Bir, koobka Aduunka ee sanadka 2014-ka lagu qaban doono Brazil.

“In loo isticmaalo kubadda Cagta Tignoolijada Casriga ah waa waxa ay ka fakareeso FIFA” ayuu qiray Platter, oo ku nuux nuuxsaday in loo baahanyahay in Xal loo helo waxyaabaha Muranka dhaliyo Mar kasta.

Wadanka Ingiriiska ayaa dhibaatadii ugu xooganeed kala kulmay koobkii aduunka ee sanadkii hore ka dhacay South Africa markii laga diiday gool dhaafay Xariiqa ama leenka goosha Cayaartii Jarmalka kaga adkaaday 4-1.

Dhacdadaas wixii ka dambeeyay Masuuliyiinta ugu sareesa FIFA ayaa ku muransanaa in la sameeyo Aaladaan Casriga ah si aaney u dhicin mar kale waxyaabo Muran keeni kara, isla markaana garsoorayaasha u fududaato in ay qaataan Go’aan sax ah.

“Sanadka 2012-ka waxaan heysan doonaa oo Diyaar Noqonaaya Qalab sheegaaya in goolku uu dhashay iyo in kale, hase yeeshee waxaa si rasmi ah loo isticmaali doonaa 2014-ka” ayuu u sheegay Platter, TFI.

“Waxa ay aheyd lagama maarmaan in doodaan la furo, si aaney mar kale Ingiriiska uga caban Cadaalad Darro” ayuu sii Raaciyay Sepp Platter.

Muranka iyo doodaha ku aadan in loo isticmaalo kubadda Cagta aaladda Goal Line Video ayaa ka dhex taagneed FIFA dhexdeeda 4-tii sano ee u dambeesay, iyadoo sii xoogeesatay Markii Ingriiska laga diiday gool dhshay Sanadkii hore.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos