Published On: 15 May 2011 3:41 pm

Maxaad Ka Taqaan Guddiga 27 ah,Saxaafada la Xushay iyo Sababta Loo Xushay Dadkaasi Gaar ka ah (Xog Hoose)

Dhawaan waxaa mareegaha internetka lagu faafiyay magacyada xubno lagu sheegay in ay yihiin guddiga farsamada ee qaban qabanaya shirweynaha beesha Dhulbahante ee la qoondeeyay in uu ka dhaco dalkii.

Magacyada la soo geliyay mareegaha ayaa tiro ahaan ah 27 kuwaaso afar mooye inta kale ay yihiin taageerayaashii Xaglatoosiye, Musharaxii lagaga itaal roonaaday doorashadii Puntland 2009 kana xanaaqay.

Kooxdan ayaa waxaa soo magacaabay lix xubnood oo ahaa guddigii qabtay shirkii London kuwaaso isugu jira aqoon yahano,siyaasiyiin iyo ganacsato aan muddo arag degaanada Sool,Sanaag iyo Cayn (SSC).

Ka sokow magacayada xubnaha loo magacaabay guddiga qaban qaabada shirka, waxaa sidoo kale lagu xusay afar ka mid ah shaqsiyaad lagu sheegay in ay yihiin xubnaha saxaafada ay u xusheen guddiga lagu magacaabo “The Coordinating Committee” oo ka kooban lix xubnood.

Si aanu xaqiijino in liiskaasi yahay mid sax ah ayaan xidhiidh la sameeyay mid ka mid ah lixda xubnood ee guddiga “The Coordinating Committee” oo aan weydiiyay in liiskaasi yahay mid sax ah iyo in kale, waxaana ay xubintaasi ii xaqiijisay in uu yahay liis sax ah kana soo baxay guddigan lagu magacaabo “The Coordinating Committee” ee lixda xubnood ka kooban kuwaaso kala ah:

1- Dr Cali Khaliif Galaydh
2- Dr Cali Ciise Cabdi
3- Jaamac Abshir Xasan
4- Maxamed Burale Faarax
5- Maxamed Siciid Cumar
6- Sulayman Cabdi Ducaale.

Yaa ka Mid ah Liiska ay kooxdan Soo Saareen?

Waxaa ka mid ah xubno xilal sare oo ilaa heer wasiir ah ka soo qabtay maamulka Hargeysa islamarkaana hormuud ka ahaa qabsashadii Laascaanood.

Waxaa kaloo ka mid ah xubno u debaal degay qabsashadii Laascaanood oo 15 bishii Oktoobar 2007 ku soo labistay maryo ay ku xardhan yihiin marada cas ee jabhada SNM kuwaaso maalinkaa ku qaylinayay “maantaan Xorownay”.

Bal Aynu Milicsano Taariikhda Qaar ka Mid ah Xubnaha la Xushay.

Bidix: Aadan A Shuriye Midig: Yasiin Faratoon

1-Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) Waxaa uu ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland,xiligii Riyaale gaar ahaan waqtigii duulaanka ciidan lagu soo qaaday Laascaanood.

Bishii July sanadkii 2004 wareysi uu siiyay wargeyska maalinlaha ah ee ka soo baxa Hargeysa ee lagu magacaabo Jamhuuriya ayaa uu u sheegay xili uu ku sugnaa magaalada Yagoori ee gobolka Sool in ay muhiim tahay in ay Somaliland weerar ku qaado Laascaanood oo ay ka faa’ideysato khilaafka siyaasadeed ee waqtigaas ka dhex aloosnaa Puntland (hadalkii Faratoon halkan ka akhriso). Qaar badan ayaa ku doodaya in uu Faratoon ka baxay Somaliland laakin ma jirto meel uu ku caddeyay mawqifkiisa isla markaan ku raali galiyay shicibka oo uu ku qiranayo in uu qalad ka galay bulshada Laascaanood ee uu cadawga u gacan geliyay.

2- Baashe Cali Jaamac Waxaa uu wasiir u soo noqday maamulka Somaliland gaar ahaan sanadii 1997 xiligaas oo uu Hargeysa ka ariminayay Cigaal. Hase ahaate ka dib doorashadii 2005 ka dhacday Puntland oo uu Baashe waayay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa uu dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

Isagoo la hadlayay saxaafada maamulka Hargeysa ayaa uu sheegay in uu jeclaan lahaa in uu mar un arko tolkiisa (Dhulbahante) iyo Somaliland oo heshiis dhexmaro waxna wada qaybsada.

Ogow Xiliga uu Baashe hadalkasi jeedinayo qayb ka mid ah Sool waxaa ku sugan ciidamada Somaliland kuwaaso dagaal qadhaadh la galay shicibka iyo maamulka Puntland waxaana Mandeera waqtigaasi ku xidhan 24 qof oo ay ciidamada Somaliland ka qafaasheen degaanka Adhicadeeye 2004.(Hadalkaa Baashe jeediyay ka Akhri halkan). Intii uu siyaasada Dhulbahanate ku dhexjiray Baashe marna muusan cambaareyn maamulka Sonmaliland mana jirto meel uu ku caddeyay in uu ka laabtay mawqifkiisa ah in uu aaminsan yahay in wax lala qaybsado Somaliland.

3- Maxamed Xasan Xaaji waa xubin ka mid ah qurba jooga beesha Dhulbahante kuna nool dalka Mareykanka dhawaana uu Xaglatoosiye u mgacaabay in uu u noqdo wakiilkiisa Kenya. Hase ahaate Maxamed waxaa si weyn loogu xusuusta falkii uu ku kacay maalinkii madowaa ee shicibka Laascaanood la qabsaday 15 Oktober 2007.

Maxamed isaga oo ay farxadi ka muuqato kuna labisan dhar lagu xardhay marada cas ee Jabhada SNM ee ay ugu yeedhaan calanka ku dhex debaal degayay wadooyinka magaalada Atlanta.

Waxaa uu ku qaylinayay “Maantaan Xorownay” subaxaasi oo uu qof kasta oo ku abtirsada beesha Daarood Ismaaciil niyad jabsanaa kana xumaa sida loola dhaqmayo shicibka Laascaanood ayuu Maxamed Xasan Xaaji debaal degayay kuna faraxsanaa xaalada ay Laascaanood gashay.

Bulshada Laascaanood oo ka dharagsan taariikhdaas maadaama ay dunida maanta tahay xaafada qudha oo warku meel waliba daqiiqada ku gaadhayo ayaa la yaaban sida loogu fekeray in shaqsiga noocaas ah lagu soo daro guddi la sheegay in ay qaban qaabinayaan shir ay beeshu isgu timaado.

4- Saleebaan Maxamed Samatar (Wajixaad) Saleebaan waxaa uu isu magacaabay in uu yahay xidhiidhiyaha jaaliyada SSC ma jirto cid u doortay hase ahaate Saleebaan waxaa uu uruuriyay labadii sano ee tagay dhaqaalo kor u dhaafaya 1.5 milyan doolar kaaso lagu guray magaca xoreynta Laascaanood, dhaqaalahiisa ayaan ilaa hada la is weydiin meel uu maray.

Waxaa taa ka sii daran Saleebaan waxaa uu ka qayb galay shirkii Boocame 3 ee la qabtay sanadkii 2007 wax yar un ka dib qabsashadii Laascaanood, Shirkaasi qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ah in muddo 10 cisho ah gudahooda ay kaga soo baxaan siyaasiyiinta beesha ee ku jira mamulka Somaliland haddii ay diidaana loo fasaxan yahay in la dilo.

Markuu shirku dhamaaday Saleebaan Wajixaad waxaa uu safar ku yimi Laascaanood isagoo ku degay Hotel Xamdi oo hoy u ahaa wasiiro Somaliland ah halkaas oo ay waliba si aan qarsoodi ahayn uu ula qayili jiray wasiirada Somaliland.

Muddo yar ka dibna waxaa uu Saleebaan u safray magaalada Hargeysa halkaaso uu muddo joogay ugu dambeyntiina ka soo dhofay.taageerada uu Somaliland u hayo Saleebaan waxaa ay soo bilaabaty 1993 markuu socdaalka ku yimi Hargeysa isagoo in muddo ah la shaqeynayay Baashe Cali Jaamac. Saleebaan waxaa uu dib ugu soo laabtay Garowe 2009 isagoo doonaya xilka madaxweyne ku xigeenka hase ahaate uu ku xanunsaday Garowe loona qaaday cisbatal ku yaala Hargeysa isagoo musharax u ah jagada labaad ee Puntland.

5- Mohamed Mahdi Adan waxaa uu horey u ahaa xubin ka mid ah golaha guurtida ee Somaliland, Taageeradiisa ku aadan Somaliland ma qarsado mana jirto meel uu ku cambaareeyya Somaliland ama uu ku caddeynayo inuu ka laabtay taageradii iyo ka mid ahaanshihii Somaliland.

Saxaafada

Sida ku cad liiska ay guddigu soo saareen waxaa la soo xushay seddex ka mid ah mareegaha (Website) degaanada SSC oo la sheegay in ay yihiin kuwa kaliya ee loo aqoon san yahay in ay baahin karaan warka shirka.

Waa Kuwaama Mareegahaasi Maxaase lagu Saleeyay Xulashadooda Kuwa laga Tagay Waa Kuwee?

Kuwa la Xushay?

1- Lasanod.com waxaa iska leh Aadan Cabdilaahi Shuuriye, Waa webka kaliya ee u aqoonsan kooxda Laascaanood haysat in ay yihiin maamul isla markaan aan marna cambaareyn falalka ay ka fuliyaan Laascaanood, Isfaham la’aan in muudo ka dhex jirtayna webka iyo xaglatoosiye aakhirkii la dhameeyay dhawaana soo daabacay in Xaglatoosiye yahay Madaxweyne hase ahaate goor dambe warkaasilaga masaxay.

Aadan waxaa abti ruma u ah Dr Cali Ciise Cabdi Waxaana loo doortay gudoomiyaha saxaafada shrika tabineysa, malahan khibrad saxaafadeed ama ma jirto warbaahin gudde iyo debedba uu ka hawlgalay waxase lagu xushay waa mid waadix ah oo aan nina ka qarsooneyn.

2- Jidbaale.com Waxaa dhawaan mulkiyadiisa la wareegay Cabdinaasir Badaw oo ka soo jeeda tuulada Marqaan degana dalka Canada, Jidbaale waa webka kaliya ee hab qabiil u kala xusha siyaasiyiinta beesha Dhulbahante oo kuwa gaar ahna lagu amaano kuwana lagu aflagaaeedo, tusaale ahaan siyasiyiinta ay ka mid yihiin Cali Sandule, Fu’aad Aadan Cadde si aad ayaa loogu caayay xiligii Laascaanood la qabsaday, balse Jidbaale marna wax kama sheegin labada sarkaal ee midna watay ciidanka Laascaanood qabsaday midna amarka bixiyay oo kala ah Ina Caydiid Dhabdhable iyo Dalbac oo labaduba ka mid ah saraakiisha ciidamada Somaliland. Dhinaca kale jidbaale waxaa si joogta ah loogu caaya Siyaasyiinta ay ka mid yihiin Xasan Daahir,Cabdisamd Cali Shire marna arki meysid isagoo ka hadlaya siyaasyiin kale oo ka soo jeeda degaanka Buuhoosdle ee Puntland ka mid ah.

Jidbaale tageeraha ugu weyn ee Puntland ayuu ahaa xiligii Xagaltoosiye xilkaa doonayay maanlinkuu waayayna waxaa uu Jidbaale ku tilmamay Puntland maamul majeerteen. Sababta loo soo xulay maantana waa muuqata oo waa web si weyn u neceb maamulka Puntland iyo dadka taageera dirkaba.

3- Boocame.com ka hor labadii sano ee u dambeysay webku waxaa uu ahaa mid ku hawlgala magaca bulshada degmada Boocame hase yeeshe qoraal dhawaan ka soo baxay qaar ka mid ah qurbajooga beesha ayey ku sheegeen in aan loo fasiran karin in webkaasi yahay mid bulshada degmada Boocame afkeeda ku hadla waxaana ay isla qoraalkaasi ku sheegen in ay beeshu sameysatay webka lagu magacaabo allboocame.com.Waxaa ay qoraalkaasi ku caddeyeen in Boocame.com ay iibsadeen kooxda Xaglatoosiye.

Qoraal dhawaan lagu soo daabacay boocame.com ayaa lagu sheegay in uu mamaulkii webka la wareegay nin lagu magacaabo Axmed wali taaso markhaati u noqoneysa qoraalkii qurbajooga reer Boocame ee ahaa in webkaasi koox la wareegtay. Sababta ay u xusheen guddiguna waataa oo wuxuu tagaeeraa kooxda madaxnimadu madax martay ee Xaglatoosiye.

Kuwee Laga Tagay?

1- Radio Laascaanood hooyadii saxaafada SSC kana soo aflaxeen suxufiiyiinta SSC maantana habka online-ka (website) ku shaqeysa balse lama xulan sababtuna waa caddahay waxa aysan marna taageerin Xaglatoosiye iyo maamulka gacanta ku haya oo ka soo jeeda beesha Ugaadh Yahan.

2- Xargaga Online Waa web habka idaacad ahaan u shaqeya oo si weyn u taageeray halkanka bulshada SSC aadna  ula shaqeeyay hogaankii lagu dhisay Naiorbi balse lama soo xulan sababtuna waa caddahay waa midee Xargaga Online ma adeegsan kalimada ah “Madaxweyne” oo uu doonayo Xagalatoosiye tan labaad ee ugu muhiimsana waa iyadoo uu webkaasi iska lee yahay nin ka soo jeeda beesha Ugaadh yahan sidaa darteedna ay guddigu u tuureen.

3- Taleex Media Waa Web muddo yar hawada ku jira laakinse si weyn uga dhex muqada saxaafada Soomaalida, waxaana ka hawlgala saxafiyiin muddo dheer saxaafada ku soo jiray. Waxaana uu si weyn uga hor yimi fikirka Xaglatoosiye ee uu markuu Puntland xilka ka waayay ku dhawaaqay in Puntland laga baxay.

Sababta ugu muhiimsan ee Taleex Media ay guddiga lixda xubnood ah u xulan waayeen waa iyadoo uu webku fursad siiyo qof waliba oo ka soo jeeda gobolada SSC ee dhaliil ama toosin u soo jeediyay xubnaha guddiga lixda ah ta ugu muhiimsan ee uu kala siman yahay website yada kalana waa iyadoo webka loo arko in ay gacanta ku hayaan xubno beel ahaan ka soo jeeda beesha Ugaadh yahan oo loo tirinayo in ay taageeraan maamulka Puntland.

Waxaa sidoo kale laga tagay shabkadabadan oo laga lee yahay degaanada SSC kuwaaso ay ku qanci waayeen kooxda wax soo xushay, waxaa ka mid ah Ceegaag.com, Widhwidh.com, buhodlepost.com, allboocame.com, xaysimo.com iyo qaar kale oo badan.

Guddiga iyo Gobolada

Guddiga lixda xubnood ka kooban waxaa ay soo xuleen 27 magac ay ku sheegen in ay yihiin guddiga farsamada ee qabanaya shirka hase ahaate bal aynu eegno qaabka loo xulay gaar ahaan heer gobol.

Cayn
Gobolka Cayn oo ay ku nool yihiin jilibyo badan oo beesha Dhulbahante ah waxaa guud ahaan la isku siiyay 7 xubnood waxaana xusid mudan in gobolka Cayn uusan qof ugu jirin Guddiga Lixda ah oo dhamaantood kasoo jeeda gobolka Sool.

Sanaag
Gobolka Sanaag ee kamid ah gobolada SSC ayaan qofna ugu jirin liiska 27 xubnood ah ee loo magacaabay in ay noqdaan gudiga qaban qaabada shirweyne dalkii ka dhaca, sidoo kale bulshada Dhulbahante ee gobolka Sanaag ku nool qof ooguma jiro guddiga lixda xubnood ah .

Waxaa is weydiin muddan maxay tahay ujeedada loo faquuqay beesha raas ahaan ugu badan beelaha dhulbahate ee degta gobolka Sanaag? maxaysa tahay ujeedada ka dambeysa? waa su’aalo muhiim ah balse waxaa iska cad kooxda wax soo xushay in ay gobolkaasi u hibaysay Somaliland.

Sool
Gobolka Sool waxaa uu gurtay 20 xubnood oo ka mid ah 27 xubnood ee loo xulay in ay noqdaan guddiga qaban qaabada shirka, waxaa kaloo gobolka Sool ka soo jeeda dhamaan lixda xubnood ee la magac baxay “The Coordinating Committee” ee iyagu soo xulay liiska 27 ka kooban. waxaa kaloo suuqa ku jirat oo aad u xoog badan in ay wadaan qorsha ah in shirweynaha lagu qabto Laascaanood oo aynu og nahay xaalada ay ku sugan tahay.

Gebagebadii

Waxaan ku soo koobayaa qoraalkaygan in guddiga lixda ah ay ku fashilmeen qorshahoodi daahsoonaa ee ah u kalkaalida Somaliland waxaana hada uu cadaadis kaga yimi dhamaan beelaha SSC gaar ahaan beelaha gobolka Cayn kuwaaso ku qasbay  guddiga in wax laga bedelo liiska iyo in ay xubno ku yeeshaan lixda talada sare leh.

Warar hordhacana waxaa ay sheegayaan in guddigu aqbaly dalabkaas taaso hada ay gacanta ku hayaan sidii ay u bedelilahaayeen liiska ay ku fadeexadoobeen.

Waxaa iska cad in ay guddiga lixda xulayaan shaqsiyaadka Somaliland ka mid ahaa ama aaminsan fikirkeeda kana cararaayaan oo ay fogaaynayaan Dhulabahantaha taageera Puntland.

Taleex Media Editorial
Info@taleex.net

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos