Faratoon oo London Kaga Qayb Galay Xuska maalinta SNM 18 May (Daawo)
Yaasin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ahaa Ergadii Shirka London ee dhawana lagu qabtay magaca aqoon yahanka beesha Dhulbahante dhawaana lagu soo daray liiska 27 xubnood ee qaban qaabinaya shirka gudaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn (SSC) ka dhacaya ayaa waxaa uu si badheedh ah uga qayb galay xuska maalinta SNM ee 18 May.
Sawirkan ayaa waxaa uu markhaati cad u noqonayaa in Faratoon uusan wali ka tanaasulin fikirkiisa Somaliland oo uu hada ka hor u ahaa wasiir gaar ahaan xiligii lagu soo duulay Laascaanood.
Dhulbahantoow hadal wadi mayno nimanka aqoon yahanka ee lixda xubnood ah aqoontoodii waxaa ay ka tustay in reerka la geeyo Hargeysa oo ay horseed ka noqdaan kala qaybinta Soomaali.











