make music movie
Published On: 30 May 2011 10:16 am

Puntland oo Beenisay Lacagtii Lagu Qabtay Muqdisho in Gaalkacyo Loo Soo Waday (Warsaxaafadeed)

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Puntland ayaa lagu beeniyay in labadii diyaaradood ee 24-kii bishan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho islamarkaana la sheegay inay saarnaayeen lacago madaxfurasho oo loo waday burcadbadeeda in loo waday magaalada Gaalkacyo.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Puntland ayaa u qornaa sidan:

Dowladda Puntland ayaa maanta beenisay warbixin lagu daabacay jaraa’idka Financial Times maalintii 27 May 2011.

Warbixintaasi oo cinwaankeedu ahaa “Britons held as ransom drop goes wrong” ayaa lagu sheegay ajnabi lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo burcad-badeed u sida lacag madax-furasho ah, iyadoo la sheegay in lacagtaasi ay u socotay Magaalada Galkacyo.

Dowladda waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin lacag madax-furasho ah oo dhex marta garoomada dayuuradaha ee Puntland, iyadoo sidoo kale xaqiijinaysa in Dowladda Puntland aysan wax xiriir la leheen shirkadaha burcad-badeedka Somalida u keena lacagaha madax-furasho.

Dowladda Puntland ayaa si adag uga horjeeda bixinta lacag madax-furasho ah, iyadoo qaddiyadaasi ay Dowladda hore uga sheegtay kulamada caalamiga ah dhowaanna Madaxweynaha Dowladda Puntand Dr Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) uu ka sheegay kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Magaalada Nairobi kula yeesheen maamuladda Somalida.

Dowladda ayaa aaminsan in warbixino khaldan ay bixiyaan dad qeyb ka ah siyaasadaha Somalia lana siiyo jaraa’idka caalamka.

Waxaa xusid in, tan iyo sanadkii 2009-ka, in ay hoos-u-dhac weyn ku timid dhaqdhaqaaqa burcad-badeedka Somaliyed ee xeebaha Puntland, iyadoo sabatuna tahay siyaasadda iyo waxqabadka Dowladda Puntland. Ilaa 305 burcad-badeed ayaa iminka ku xiran xabsiyadda Puntland.


Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: info@puntland-gov.net
Web: www.puntland-gov.net