Rooxaanland : Qaybtii Labaad
Arrinta labaad haddaan u leexdo. Waa arrin runtii aan ku dheeraan doonoo, maadaama loo baahan yahay in si fiican loo fahmo.
waxaa jirta in 40kii sano ee ugu dambaysay ay dalka soo galeen dariiqooyin ay ka mid yihiin Ikhwaan al Muslimiin iyo tayaarka Shiikh Muhammad ibn Abdul Wahab ibn Suleiman (Allaha u naxariistee) ee ‘Wahabiyada’ loo yiqiin – haddana loo yaqaan ‘Salafiyada’. Wixii ka dambeeyey 1991kii, markii dawladdii iyo marjiciyaddii diinigu ay meesha ka baxeen ayaa tayaarkaanu si fiican u xoogaystay.
Tayaarka iyo taariikhdiisaba, waxaan markii ugu horreysay ogaaday intaan ku jiray Jaamacaddii macallimiinta ee Lafoole – 1981 – Mid ka mid ah koorsooyinkii ku sabsanaa taariikhda bariga dhow (hist 102 – Near East II).
Sanooyin keddib, ayaan haddana magaca tayaarkaan ka dhex arkay gabay ka mid ah gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xassan (Allaha u naxariistee) uu tiriyey 100 sano ka hor. Waa gabayga la magac baxay ‘Waxaa tiraa weeye’ . Baydka 29aad. Warqad Sayidka looga dacwoonayo oo uu qoray nin la oran jiray Cabdille Shixiri -‘Ina shixiri’ baa loo diray Shiikh Maxamed Saalax, markaas ayuu Sayidku gabaygaan kaga jawaabay:
1- Xuseenow war baan kuu hayaa waxaad tiraa weeye
2- …..
28- Warraabkii karraysaha xumaa waraq-la-goo weeye
29- Warqadduu magaalada u diray talo wahaab weeye.
Tayaarku waa mid asal raac ah (Quraanka iyo Sunnada oo keliya). Wuxuu ku salaysan yahay oo soo nooleeyey madarasaddii Shiikh Ibnu Taymiya (Allaha u naxariistee) iyo weliba fiqigiisii (oo ahaa kan Imaam Axmed bin xanbal). Tayaarku ma oggola Taqliidka iyo madaahibta. Dagaaladay qaadi jireen, sidey u fideen iyo ugu dambaystii sidii markii hore ciidan uu watay Ibrahim Pasha oo uu dhalay xaakimkii Masar ee la oran jiray Mohamed Ali Pasha uu dagaalo fara badan ugu jebiyay ciidankii Cabdulahi bin Sacuud, waa arrimo ka baxsan hadafka maqaalkaan. Keddib in muddo ah ayay ku koobnayd dalka Sucuudiga oo ay awalba ka dhalatay.
Waagii uu bilawday ‘Petrodollar(ku)’ ayay awood dhaqaale u heleen, inay tabliiqooda iyo dacwaddooda adduunka oo dhan ku fidiyaan. Muslimiinta aan la fikirka ahayn,waxay markii hore oran jireen ‘Ahlu shirki ama Ahlu bidca’, hadda waxay yiraahdaan ‘Ahlu dacwa!’ – Alyacni waa qof ay tahay in la gaarsiiyo oo la baro diinta saxda ah ee culimadoodu soo gudbiyaan.
Hal mar ayaa waxaa dalkii oo dhan iyo weliba inta qurbaha joogta u bilawday muxaadarooyin iyo duruus xowli ku socota oo aan kala go’ lahayn oo weli socota:
- Dugsiyo ciiddaas ah ayaa dalkii laga furay.
- Magacyadii soomaalida (kuwa dadka, dugsiyada iyo masajidyada) ayaa badiba layska baddalay.
- Barashadii iyo horumarintii af soomaaliga ayaa laga bayray.
- Manhajkii waxbarashada ee dugsiyada soomaalida ayaa meel layska dhigay.
- Mashaariic hadaf dariiqo leh ayaa meel walba ka bilawday.
- Kutubtii hore ee maktabadaha iyo masaajidyada ooli jirtay ayaa meel ay ka baxeen la waayay!!! – Giddi waxaa baddalay kuwa cusub oo ka jildiyo qurux badan(alyacni lacag farabadani ku baxday) ee tayaarka salafiyada. Maanta guri aysan oollin kutubtaas ama cajalado(maqal ama muuqal) waa dhif!
Cid is weydiisay marjiciyaddeenii (fiqul Shaafici) ma jirto. Intaas waxaad maqlaysaa wadaad soomaaliyeed oo su’aal la weydiiyay ka bixinaya jawaab ku salaysan fiqiga Imaam Axmed ibn Xanbal!
Macnahaygu maahan inaan kasoo horjeedo fiqiga Xanbaliga ama aan leeyahay waa khaldan yahay ee waxaa weeye: ‘Soomaali haddaan nahay ma fiqi la’aan baa na haysa?!’ Jawaabtu waa ‘maya’.
Dhanka kale, ruuxna ma inkiri karo, in duruusta iyo maxaadarooyinka waxyaalo fara badan laga faa’ideystay. Maanta,Ilaahay mahaddii, dumarka badankiis xijaab baa u xiran.
Marar badan baan anigoo keligay ah,waxaan iskula hadlaa, bal haddii halkii Sucuudiga, ragga soomaaliyeed ay tegi lahayeen dalka Turkiga oo jaamacadaha dalkaas ay diinta kasoo baran lahaayeen oo dacwo looga soo dhiibi lahaa, side xaalkeennu ahaan lahaa??
Waxay ila tahay in la wada ‘Xanafiyoobilahaa’!!!!
Waxaa la soo gaaray heer dad badani is weydiiyaan: inaan diinta horey u niqiinay iyo in kale? Diintii miyaa hadda nala barayaa mise naloo saxayaa? Diintu goormay na soo gaartay? Sow iyadoon Jasiiral Carab wada gaarin ,sooma gaarin geeska Afrika?! Muslinimadeennii baa waxaa galay shaki iyo dareen! Illaa la soo gaaray in caamada qaarkood yiraahdaan”Wallee diin ma aanaan aqoon!! Qabuurahaa la baryi jirey, Fahanka Tawxiidkaa naga khaldanaa!! iwm!
Ilaah baa na lehe, bulsho ahaan, diinta waan haysanay, waana naqiinnay. Waa jireen matukadeyaal iyo masoomayaalba…. Mana jiro ruux soomaali ah, jaahil kastuu yahay, oo aad ku oran kartid “Gaalyohow!” ama :Gaal baad tahay”.Waa jireen khaladaad iyo bidcooyin dadka qaarkiis ku dhaqmi jiray, oo ka dhashay aqoon darri’. Arrimahaasina waxay ahaayeen kuwo u baahnaa oo keliya, in si tartiib iyo dulqaad leh, looga saaro caamada!
Waxaase dhacday in inta dadkii oo dhan laysku qaaday, la yiri mindhaa, “Diinta kow ha looga soo bilaabo!”… Iyadoo la adeegsanayo fikirka iyo manhajka tayaarka cusub. Muxaadarooyinkii u horreeyay ee qurbaha, haddaad xusuusataan (dhawr & 90kii) waxaa naloo wada bilaabay “Baabul Dahaara!! Sidii inaanan aqoon istijada iyo wixii la halmaala!!! Keddibna “Tawxiidka” sida tayaarkaanu qabo, oo ka kooban ‘Uluuhiya, Rubbuubiya iyo Asmaa’ul xusnaa’ ayaa nala baray!!
Ma badna inta inkiri karta in dacwo iyo tabliiq ay nugu socdaan. Shabakadaha (websites) soomaalida ee diiniga ah, waxaad inta badan ka arkaysaa ogaysiisyo ku saabsan ‘Dacwo’ uu ka hadlayo shiikh hebel, kana dhacaysa magaala hebla iwm..
‘Dacwo’ erey ahaan waa ‘yeerid ama u yeerid’. ‘Dacwo Diini ah’ waxay noqonaysaa ‘Diinta ugu yeerid’. Haddii diinta naloogu yeerayo, sow uma ekaanayso, inaan Diintii ka tagnay, ama aanaan markii hore haysan amaba ay naga khaldanayd!!!
Waxaan weligeen ahayn “Ummad 100% muslim wada ah”, dalalka Islaamkuna waa wada og yihiin,
Dhanka kale, Dacwo waxaan u naqaan ashtako. Waxaa la yiri, wax isweydiin ma xumee, wax isweydaaris baa daran. Haddaba, waxaa iga su’aala(kaftan & dhabba ah – “hadba sidaad u qaadatid maahee sida kale baan ula jeedaa!!”):
- “Yaa Sucuudiga nugu soo dacweeyey(ashtakeeyay) oo ku yiri: Soomaalida waa in Diinta si fiican loo baraa!!!...
- Horta yaa na shuufay???!!!???!!!
“Diin ma aannaan aqoontu”, waxay isoo xusuusisay jiifto uu Cismaan Yuusuf Keenadiid (Allaha u naxariistee) uu saman hore tiriyey, isagoo tilmaamaya baxaaligiisa (abuurtiisa ama sansaankiisa):
- Nin shugriga Ilaah iyo shahaadada qiraan ahay
- Nin shuruudda tawxiidku ku shishayso baan ahay
- Nimaan sharacu suu yiri shakiyeynnin baan ahay
- Nin shafeecada Nebiga shinsanaaya baan ahay
- Nin shabaab ahaantiina shareecada bartaan ahay
- Nin Shuuriyo Ancaam iyo Shucarada dhigtaan ahay
- Nin shirrabay tafaasiirta shuruuxdana og baan ahay
- Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin ka sheexayaan ahay
- ….
- Nimaan shuqulka gaalaad shabbahaynnin baan ahay
Inkastoo tayaarku soo gaaray soomaali badankeed, haddana maahan mid mideyn kara oo marjiciya u noqon kara, sababtoo ah isagaaba u kala baxay dhawr farac oo kala foogaaday.
Dhibtu maahan in qoladaani ay diinta khalad ka sheegayaan ee waxaa weeye, inaysan wax ka duwan siday iyagu Usuusha u fahansan yihinn aysan u dulqaadan/oggolaan karin, oo ay u arkaan Bidco ( sida ku dhaqanka madaahibta).
Waxaa soo baxay xisbiyo iyo firqooyin wada wata Farriimo Islaami ah (Khiddaabul Islaam), kala manhajyo ah, oo aan xataa lahayn marjaciyo Islaameed oo mid ah. Qaar waxay soo galeen siyaasadda caalamka, qaarna waxay bannaysteen dhiigga muslimiinta kale ee aan la aragtida ahayn, iyagoo daliillo iyo qiilal kala soo baxaya Usuusha! Aayadihii gaalada ku soo degay ayaa waayadaan dambe muslimiinta loo isticmaalaa!!!
Waana arrimahaas kuwa ay ka dhasheen isku dhaca iyo isgaalaysiintu.
Wadeeca Alla!!!
Ilaahay baa quraankiisa ku sheegay (Suura Yuunis, aayadda 19aad) in bani aadamku uu markii hore hal Ummad ahaa, keddibse uu is khilaafay….
Haddaad wadaad caalim ah oo kaa fikir duwan, kala dooddid mas’alo diimeed, oo aad qanci is tiraahdid, waxaa dhacaysa, inuu isna ku soo hordhigo Nusuus, Xujooyin iyo Qiilal uu kasoo xigtay Usuusha ( Quraanka iyo Sunnada).
Haddiise aad nin caama ah, oo Allihiis Alle yahay! Oo Mad-hab iska raacda, aad ku tiraahdid, ‘War nin yohow, meesha diin kuma haysid. Bidco iyo shirki baad ku dhex jirtaaye, Ilaahay u toobad keen oo baro diinta saxda ah’.
Saddex arrimood midkood baa ka dhalan kara:
- Inuu duruusta la siiyo, intuu si qiiro iyo qanaaca leh u qaato, uu xaggaas ka soo tago oo uu xaggeer aado ( Xaggeerjire ama Xagjir kakan noqdo)!
- Inuu intuu haystay ka tago uu sii fogaado!!
- Inuu weerar kugu soo qaado, isagoo kuu arkaya inaad tahay Khawaarij!!!
Maanta waxaynu daawanaynaa amaba ka qayb qaadanaynaa difaaca iyo/ama weerarka Suufiyada iyo Salafiyada. Teeda kale, waxaa dad badani la yaaban yahay in wixii lugu eedeyn jiray wadaaddadii Suufiyada aad maanta ku arkaysid kuwa cusub oo si casriyeysan u sameynaya.
Yaraanteydii intaan dugsi quraanka dhiganayey, waxaan maqli jirey:
- “Wadaaddadu beerka xayrta leh waa cunaan
- “Ilaahiin maad ka yaabtaanoo na siisaan!!!
Iyo weliba
- “Lafa buur buuranay ridu waa balaayo
- “Wankii bari laa balaayada kaa xijaaba!!!”
Waxaad TV(yada) soomaalida ku arkaysaa habayn walba(saacado badan) wadaaddo soo far fadhiya oo ducooyin soo firdhinaya, iyagana dahab iyo lacag lugu firdhinayo!!! Hadaf kasta ha lahaatee – tus. Tabarucaad, gargaar, masjid la dhisayo iwm!!
Wax miyaa wadaaddadaas si ka noqday?! Mise, arrinta waynaan fahmine, waa si hufan xil kula wareegid!!!
Ma mooddaa in calankii la babbin jirey ay baddaleen TV & cajalado la duubayo!!!
Waxaan si kooban u xusayaa arrinta ku saabsan masaajidyada qurbaha laga dhisayo oo aan barbar dhigay dhibta, baahida, cudurrada iyo walbahaarka haysta soomaali badankeed.
Dad guryahoodii iyo dalkoodii iska soo gubay, oo meelo cidla ah ama guryo/dalal dadow jooga oo marti ku ah oo ka fakaraya inay masaajidyo dhistaan …Sow talaxumo ka dhalatay caqli guntamay maahan??!! Akhristow, arrintaan adaan kuu daayee, bal ka fakar oo ku khilaawee.
Waxaa ayaandarro ah, in xataa si kastoo tabliiq iyo dacwa 20 sano socotay (oo ay ku baxeen kharash, dadaal, safarro iyo soo jeed fara badan) la soo gaarsiiyay soomaaliga, haddana uu weli ka yahay sidii qof biyo ku dhexjira oo haddana qallalan!!! Maxaa u diiddan soomaaliga in maankiisu shaqeeyo amaba uu xataa isagu wuxuu yahay is fahmo? Haddaan iraahdo, „Kulli fitna cindal Rooxaan“, Yaa dacwad ama dood ka qaba?
Hadda waxaa lasoo gaaray arrin murugo leh oo aan weligeed soo marin soomaaliga rooxaanta huwan: Isgaalaysiin iyo in masaajidyada (hortoodda & gudahooda) laysku khaarajiyo.
Dhanka kale, dhallinyaradii ka qalin jebisay duruustii tayaarkaan…. Waxay la noqotay inay dadaal muujiyaan, oo waxay bilaabeen inay qubuuraha culimadii hore burburiyaan oo soo qodaan – si ay soomaalida uga badbaadiyaan bidcada iyo shirkiga ‘qabuuro-baryidda’.
Aa la tahay!!
Arrintaani maahan mid dunida ku cusub. Waagii tayaarkaanu ka bilawday dalka Sucuudiga, waxaa jirtay in qabuurro fara badan la burburiyay, dad badanna la gaalaysiiyay!!.
In wax si naga wada yihiin, waxaa daliilkeed ah: Markii qabuuro dumiska hal mar lugu wada sasey, dhallinyaradii qubuuraha burburiyay oo keliya ayaa farta lugu wada fiiqay oo la wada cambaareeyey, iyadoo macalimiintoodii iyo shuyuukhdoodii ay weli si caadiya u wadaan duruustoodii iyo muxaadarooyinkoodii!!!!!!!!!!
Ma dhallinyarada ayaa khalad fahantay ama maqashay – (xusid: Macalin dugsi –quraankii carrabka la’aa ee oranayay ‘Agif dhaha’ isagoo raba inuu ‘Alif dhaha’ yiraahdo – ?? Mise Dhallinyarada iyo macallimiintuba way wada saxsan yihiin: Haddii la wada saxsan yahay, maxaa macallimiinta loo arki kari waayay oo faraha loogu wada fiiqi waayay???
Dhallinyarada keliya waxaa muujiyay oo loo wada arkay wejiyada ay wada daboosheen!! Oo rooxaantoodii qariyay dartood!!!!!
Wararka dibedda ayaan ka maqli jirnay, ruux dad muslimiin ah isku dhex qarxiyay – isagoo janno ka raja qaba ama masaajid isku laynta shiicada iyo sunnada ee hadba ka dhacda dalka Bakistaan iwm.
Fikir ama tayaar kastoo la qaato, rooxaantu wey ka madax bannaan tahay. Caamo ama caalin kastood tahay, haddii rooxaantaada loo soo dhowaado, la taabto ama lugu ag hindhiso, kii daqnadoo dhibsadaad tahay!!!
Qof awalba aadan arki karin, rooxanta ku dadan awgeed oo madaxa soo duubtay baa jira oo nugu soo siyaaday!
Maanta haddii qof la dilo, lama garan karo xataa rooxaanta qofka wax dilay!!!
Waxaan arrintaan ugu dheeraaday, maadaama ay dhib iyo culays hor leh dulsaartay soomaaligii awalba rooxaantu maxbuustay. Hadafkaygu maahan inaan tayaarkaan wax ka sheego ama ammaano. Waxaan usoo qaatay oo keliya, si aan u muujiyo doorka weyn ee ay maanta dalkii ka cayaareyso iyo weliba miraha ka dhashay ee aan horey dalka looga aqoon.
Marka nala leeyahay, soomaalidu waa dad isku diin ah, ka sokow inaan dad wada muslimiin ah nahay, waxay kaloo muujinaysay – inaan nahay dad hal Mad-hab iyo hal Marjiciyo leh oo aan iskhilaaf, firqooyin iyo xisbiyo kala lahayn!
Arrintaasi maanta way qaraxday ama wey ku socotaa inay qaraxdo!! Waxaana noo bilawday muran, doodo, tabliiq iyo dagaallo ku salaysan firqooyin iyo axsaab kala duwan oo muslimiin wada sheeganaya.
Xataa magacii ummadda oo idil tilmaanta u ahaa “Ahlu Sunnah wal Jamaaca” waxaa bililiqaystay koox yaroo siyaasadeed oo loo abuuray inay la dagaalamaan tayaarka salafiga ah!!!
Haddaan degdeg loo helin rag rooxaanta ka fayow, oo isku bahaysta “Ahlu Waddani Wal Raganimo”, xaalkeennu wuxuu noqon in mustaqbalka taariikhda na lagu xuso, iyadoo Matalan la leeyahay:-
“Waabaa waxaa jiri jiray qowm la oran jiray Soomaali. Waxay deggenaan jireen geeska Afrika. Dad waxay ahaayeen Eebbe ugu deeqay dhul wanaagsan, bad iyo webiyo iyo cimilo wanaagsan. Raggooda badankiis, wuxuu ahaa, kuwo ay isugu darsantay halyeynimo, xikmad, aqoon, diin jacayl, dhaqaale, xoog iyo awood ciidan (tan damboo markii dambe dareen wayn gelisay ummadaha kale ee deriska la ahaa).
Waxay lahaayeen dumar wada diricyo ahoo, Jin (kama wado jinniga) iyo suure wada leh… Quruxdoodana? Lama tiltilmaami karee….. wada maashaa’alla ahaa!!!!
- Keddib, waxaa Ilaahay amarkiis dhacday inay……………
- Haddana……………
- Weli caada……………
- Kaaga darane, waxaa……………
- Illayn amar baa meesha ka socdee, waxay baacsadeen……………
- Haddana, waxay la noqotay inay kala……………
- Teeda kale, markaas bay……………
- Intaas kuma ekaane, waxay haddana……………
- ……………
- ……………
- ……………
- ……………
Waxba yaanan hadal idinku daaline…
Qowmkaas, waxaa markii dambe lugu sababay oo rogay “Rooxaan”
Intoodii lays lahaa ‘way badbaadayaan’ ee dalalka kale ku nooleydna, markay ka tageen dhaqankoodii, hiddahoodii iyo weliba afkoodii astaanta iyo summadda u ahaa, ayay ku dhex wada milmeen ummadahay la noolaayeen”.
Yaahuuuuuu!!!!!!
La soco qaybta 3aad iyo gunaanadka.
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com
Related Articles









