Published On: 16 June 2011 12:23 am

Xafladii Xiritaanka Dugsiga Hoose Dhexe Ee Qardho 2010-2011 iyo abaalmarin la gudoonsiiyey Ardaydii ( SAWIRO)

Xafladaan abaal marinta lagu gudoonsiinayey ardayda wax ka barta Dugsiga Hoose Dhexe ee Qardho ayaa waxaa dhanka kale dhinac socday isla xirtaanka dugsiga ee sanad dugsiyeedka 2010-2011.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuulyiin ka tirsan Maamulka Dugsiga Qardho,Aqoonyahano,Masuulyiinta Jaamacadda Bariga Soomaaliya,Nabadoono, Gudoonka Waxbarshadda Gobolka,Duqa Magaaladda Qardho iyo weliba qaar ka mid ah jaaliyadda dibadda ee Puntland.

Ugu horeyn waxaa hadal ka jeediyey munaasabada Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Qardho Cumar Siciid Mataan oo ka sheekeyay marxaladihii uu soo maray dugsiga tan iyo intii la furay sanadkii 2004.

Cumar ayaa sheegay in dugsiga uu markii ugu horeysay ku shaqeyn jirya Xarun kiro aheyd balse lagu guuleystay in loo dhiso dhisme uu dugsiga leeyahay, isaga oo sidoo kale ku amaanay in hirgelinta iyo socodsiinta dugsiga ay qeyb ka yihiin ganacsadda degaanka Qardho iyo weliba Jaaliyadda reer Qardho ee dibadda.

Intaas ka dib ayaa waxaa hadal kooban la siiyey Gudoomiyaha Golaha degaanka ahna Duqa Magaaladda Qardho Maxamed Siciid Hogaama’laroor oo amaan iyo dhiiro gelin u muujiyey dugsiga Qardho.

Waxaa uu ardayda kula dardaarmay in ay xoojiyaan waxbarshadda isla markaana ogaadaan in qiimaha waxbarshadda leedahay ay tahay mid guud ahaan anfac u leh bulshadda.

Dugsiga Qardho runtii kaalin weyn ayeey ka qaateen sidii dhalinta yar ee maantay soo koraysa wax loo bari lahaa, taasina abaalkeeda waxaa leh intii gacanta ka geystay iyo weliba jaaliyadda dibadda oo dhaqaale iyo maskax ku bixiyey furitaanka dugsiga” ayuu yiri duqa Magaaladda.

Maxamud Maxamed Barre oo ka socday Jaaliyadda dibadda isla markaana ahaa ragii dugsiga furitaankiisa gacanta ku lahaa ayaa isagana waxa uu ka hadlay sida wanaagsanayd ee dhalinyaradda ay ugu dadaaleen waxbarshadda.

Isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey socodsiinta dugsiga iyo weliba sida jaaliyadda dibadda diyaarka ugu tahay in ay dhaqaale ku bixiso hirgelinta mashaariic badan oo uu sheegay in ay ka hirgelinayaan dugsiga.

Maamulaha Jaamacadda Bariga Soomaaliya Maxamed Maxamud Ciise oo isagana ka mid ahaa masuulyiinta ka qeyb gashay xafladan dugsiga Qardho ayaa ku dheeraaday in uu kaalin wanaagsan kaga jiro dugsigan horumarka degaanka, isaga oo dhanka kalena sheegay in ardayda markii ay dhammeystaan aysan ka fekerin raadinta dhaqaale jaamacado ay ku aadan.

“ Waagii hore Qardho ma laheyn wax jaamacada ah oo meelo kale ayaa ubadkeena waxbarsho heer Jaamacadeed ah uga raadin jirnay, hadda waxaa bar barkiina laga furay Jaamacadii Qardho ee 1985-tii lagu fekerayey in la furo ee Jaamacada Bariga Soomaaliya” ayuu hadalkiisii ku daray Maamulaha Jaamacadda.

C/raxman Maxamed Black oo ka tirsan ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Soomaaliya oo isagana hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in Jaamacadda Bariga Soomaaliya ay tahay Jaamacadoodii, ardayda ayuu kula dar daarmay in ay weligood maskaxda ku hayaan markii ay waxbarshadda dusiga sare dhammeystaan in ay ka mid noqdaan ardayda Jaamacadda.

Mustafe Cumar Jeeble oo isagana ka tirsan Masuulyinta Jaaliyadda gudaha ee taageerta dugsiga ayaa muujiyey in ay dadaalkooda wadaan waxa uuna sheegay in dhawaan dugsiga lagu kordhin doono dhisme Cafeteria cusub oo dugsiga uu yeesho, waxaa kaloo uu sheegay Mustafe in ay dugsiga ku soo kordhindoonaan fasallo cusub oo ay dhameystiri doonaan.

Haddana ay wadaan goob loogu talo galay in caruurta ay ku ciyaaraan kubadda gacanta ee Basketball. Iyo qalabka wiifowga oo dugsiga lagu soo kordhiyey.

Mustafe wuxuu kaloo sheegay in dugsigu u furan yahay cid kasto oo ka faa’iideysanaysa waxaan uu sheegay in xilaga xagaaga loogu talo galay in waalidiinta loo furi doono koorasooyin lacag la’aan ah .

Nabadoon C/rashiid Maxamuud Shire oo ka tirsan Nabadoonadda Gobolka ayaa isaga hadal uu xaflada ka jeediyey sheegay in ardayda iyo waalidiintaba ay ku dadaalaan sidii waxbarshadda sare loogu qaadi lahaa, loona heli lahaa Umad waxbartay.

Bashiir Axmed Galo’eri Gudoomiyaha Waxbarshadda Gobolka Karkaar oo isagana hadal ka jeediyey munaasabadan ayaa waxaa uu muujiyey sida maamulka Waxbarshada gobolka ugu rajo weyn yihiin in la helo dad aqoon leh oo dadka , diinta iyo dalka anfaca.

Isaga oo dhalinyarada kula dardaarmay in maantay waxa leysku dhaafay ay tahay aqoonta, loona baahan yahay in la xoojiyo waxbarshada si beri loo helo dad u diyaarsan in ay dalka hogaamiyaan. Wuxuu kaloo gudoomiyuhu amaanay dhalinyaradii aasaastay dugsigan qardho gudaha iyo dibadaba wuxuuna u sheegay in ay sameeyeen talaabo ku dayasho mudan.

Halkan Ka Daawo Sawirada Xafladii xiritaanka Dugsiga Hoose Dhexe Ee Qardho 2010-2011

Ugu dambeyntiina waxaa mid mid loo gudoonsiiyey ardaydii kaalinta koowaad,labaad iyo saddexaad gashay abaal marino isugu jira agabka waxbarshadda iyo weliba qalab boorsooyin ay ka mid yihiin.iyo lacago. Sidoo kale waxaa abaalmarino lagudoonsiisay qaarkamid ah macalimiinta iyo maamulaha dugsiga.

 

Waxaa goob joogayaal ka ahaa xubno katirsan jaaliyada gudaha oo ay kamid yihiin

 

1- C/Laahi Nuux Yuusuf
2- Ciise Cumar Dhuxul
3- Proff Axmed Maxamed Barre
4- Nabadoon C/rashiid Maxamuud Shire
5- Liiban Jaamac Rabaax
6- C/raxmaan Jaamac Rabaax

Maamulka Dugsiga Qardho

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos