Magacyada Ardayda Reer Taleex ee Turkey-ga u Dhoofay
Deeqdii Waxbarasho ee dhawaan Turkey-gu ugu deeqay dalka Soomaaliya oo saamigii gobolada Sool iyoS anaag la mariyay dhinaca maamulka la magac baxay Somaliland ayaa waxaa uu maamulka Puntland ka helay 118 arday oo 37 ka mid ahi ka soo jeedaan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee Puntland.
Taleex Media ayaa heshay magacyada ardayda degmada Taleex ee ku guulaystay imtixaankii loo galay oo ka dhacay magaalada Garowe kuwaso hada waxbarsho ka bilaabay dalka Turkey-ga.
Degmada Taleex waxaa laga qaaday 35 arday oo ka qayb galay imtixaankii ka dhacay Garowe kuwaaso isugu jiray ardaydii dhamaysay dugsiga sare ee Taleex iyo dugsuiga hoose/dhexe ee Taleex.
Ardaydii ka qayb gashay imtixaanka ee reer Taleex waxaa imtixaankii ku baasay 6 arday oo kala ah:-
Ardaydii Dugsiga sare ka baxay, waxaa ku guulaystey in ay Jaamacad Turkiga u
aaddaan labadan arday:
1- Axmed Ismaaciil Maxamed (Ina Dubbad)
2- Cabdimahad Axmed Aadan Taleexi.
Ardaydii Dugsiga dhexe ka baxay, waxaa deeq waxbarasho oo heer dugsi sare ah
Turkiga ka helay:
1- Maxamed Maxamuud Waraabe
2- Maxamed Cabdi Axmed Farax Bari
3- Maxamed Aadan Cabdi Jaamac
4- Cabdiqani Aadan Umal.
labada Dusgsi ee Taleex ayaa waxaa maalgaliyay qurbajooga degaanka Taleex kuwaas bixiyay dhamaan tasiilaadka waxbarasho ee degmada.
Maxamuud Axmed Aw Xasan oo ka mid ah xubnaha u firfircoon ee qurbajooga degmada Taleex ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in arday reer Taleex ay waxbarasho ka helaan Turkey-ga maadama y ku guulaysteen imtixaankii loo galay deeqda waxbarasho.
Waxaa kaloo uu Maxamuud ku booriyay qurbajooga degmada Taleex in aysan ka caajisin taageerida waxbarashda degmada oo aan cid kale lagu halayn.
Ugu dambayntii waxaa uu Maxamuud u mahad celiyay macalimiinta dugsiyada dhexe iyo sare ee Taleex ugana mahad naqay heerka wanaagsan ee ay ardayda wax u baraan taaso sahlay in ardayda Taleex deeqdii waxbarsho ka hesho 4% marka loo eego tiradii ay ku fadhiisteen oo ka yarayd 1%.











