Gabay: Wanka Xamilka Laga Soo Furay- By Cabdillaahi Spanish
Indhoweyd xa’dii gabay ka tegey xulashadeediiye
Xilladiisu jeer ay gashoo xarafku ii muuqdo
Xayiraadda waa taan ku ridey tan iyo xayskiiye
Xaadiyo dhafoorkay hadduu xayga ka cadaaday
Xaramkii u dhoof baan lahaa oo xajkii gudo e
Kolba aniga oo xooray baa rag i xasuusshaaye
Marba xiisad baa soo kacdoo loo xaglinayaaye
Waayadan xafiil baa ka jirey xaafadaha qaare
Hadba xaaduq soo toosay baa laga xantaystaaye
Xood iyo wiyeer dawlisaa xiito loo horay e
Anna xaraka dheeliyo figlaha xiiso waw qabaye
Sidii aan xarraan wado gacmaha xadhigu naafeeye
Xaaraan fidnadu inay tahoo naari xigi doonto
Niman baa xiqdiga meel dhigtaan cidi la xaalayne
Xasdi iyo lugooyaa naftood ku xarragootaaye
Xisbiyada ibliis samaha waa laga xijaabaaye
Xinjiraha islaamkiyo dhibkay xal u yaqaaniine
Ximan iyo dhufays bay waqood wadhaf ka xiinshane
Xashimaha shisheeyuhu toshoo xuubka lagu daahay
Oo inay xornimo noo sidaan lagu xayaysiiyey
Liid iyo xoglaawaw rarnaa tan iyo xaataaye
Xiddo shilinta gaaddada xidhay xoqid la doontaaye
Hadday dogobyo xoodaamiyiyo xeelad kale waydo
Marba xagal yar laantii leh bay xawda marisaaye
Nin xishoonayaa kuma gabado xananka qaarkiise
Xaabqaadyo iyo dawdar aan xaalba qabanaynin
Xujeey iyo bataan baa na helay aan xushmo aqoone
Xididkiyo tolkaba aagga waa laga xurmeeyaaye
Xaashaa lilaahiye gobaa xeebasho la hayde
Marti xerada kuu dhaafaysaa waa xog noo ugube
Xeegada intii Cayn la dhigay xiiso gelin weydey
Oo laga xanbaaroo Sanaag xolodka loo geeyey
Xuddun iyo Taleex baa haddana xoonku marayaaye
Afartaa xaq lama duudsiyee mayey xareediis dheh
Xilkasnimo war lagu xaadiyiyo xanaf ma reebaan dheh
Xaysimo jir loo eegayiyo xaabo iyo sool dheh
Xaanida unuun iyo gol iyo xab iyo qawlqawl dheh
Xayraanka lala yaacayiyo xuubi iyo mool dheh
Xujo kalena waa wiilasheer lala xawaarayne
Wanka xamilka laga soo furay ee xaynta daba jooga
Isaguba xisaabtuu tirsaday xulanti weeyaane
Xirgi laguma raacine danbaa loogu xeer dhigane
Iyadoo xariirtii filkiis xeebta laga dhoofin
Xiddigaha intii loo tirshoo ximir la soo dhaafshey
Dambasame waxaa loo xiddayn xuurarkuu dhaliye
Xayskii asaagiis la tumay kama xaq weynayne
Xiniinyaha wuxuu ula baxsaday xooluhuu badine
Waxse xerada loo daynayaa xamashka dayreede
Mar haddii xilkii loo igmaday xeehsi lagu gadhey
Xaaraan ka weeyaan naq kale inu xamaartaaye
Xangullaha wax lagu goonayaa toorrey xanaf weyne
Awrkii xaddiga loo raree xaabin kari waayey
Xirsi iyo welaa loo cuskaday xoog inuu taro e
Idinkuna la xawl baad tihiin xaajo dabadeede
Xaafoodka daadkuba markuu meel iskaga xooro
Xumbo iyo xashiish baa ka hadha xoodh sidiis gudha e
La xashaasha waydiin xil weyn xaabo soo gura e
Dr. Abdullahi Hassan Mohamud









