Published On: 24 November 2011 12:13 am

Nimanka Jaamacsiyaad Soo Burburiyey Ma Dhulbahantay Xoreyn

ALLAA mahad leh Nabad gelyo iyo Naxariisina Nebigiisii Suubanaa korkiisa ha ahaato.

Burburka dalkii iyo dadkii ka dhacay labaataneeyadii sano ee ugu danbaysay , beesha Jaamacsiyaad ee dhulbahante waxaa u dheer burbur xaga madax dhaqameed kii  iyo talada ah.

Waxaa qurbaha iska abaabulay niman isku magacaabay ( gudiga fulinta ee  Jaaliyada dibeda) ah oo dhaqankii iyo tolnimadiiba ku tuntay, nimankaa waxaa hogaamiya Nuur Gaas gacanyarena waxaa ka ah Aadan Shuuriye oo soo ururiyey rag badan oo ay xidid yihiin oo uu ku sheegay wakiilada dalalka ee gudiga jaamac siyaad.

Laga soo bilaabo 2003 xiligii Yagoori Soomaalidiidku qabsaday waxay Jaamacsiyaadka guda iyo debedba geliyeen in ay yihiin gudi jaamac siyaad arinkaas oo aan waxba ka jirin. Majirin marna jaamacsiyaad oo inta uu meel isugu yimi doortay nimankaas. Haba is maga caabeene haddii ay wax dadka dani ugu jirto ku dhaqaaqilahaayeen waxdhan bay ahaan lahyd.

Xulufada uu madaxda ka yahay Nuur Gaas ee sheegata in ay yihiin gudiga qurba joogta Jaamac siyaad waxay boobeen taladii garaadnimada tan iyo markii uu sariirta galay ALLA ha u naxariistee Garaad Ismaaciil. Waxay kooxdani burburisay midnimadii Jaamac siyaad oo ahaan jirtay Shillin aan sarifmin, waxay Jaamac siyaad isaga horkeeneen jifi-jifi, waxay samaysteen Cuqaal ay sigaar ah wax ugu shubtaan inta kalena jiidhsiiyaan oo yidhaahda marka arini timaado Jaaliyada debedu sidaas bay qabtaa, waxay kale oo Cuqaashii ku lifaaqeen afmiinshaaro maalinba meeshii arini ka taagantahay kabaha ugu geliya iyada oo aan jaamac siyaad wax iskaga ogayn, waxay caadaysteen in ay Cuqaasha ku yidhaahdaan baaq soo saara oo sidaa dhaha, markii taasi sanooyin badan u socotay waxay hada keeneen in ay samaystaan wakiilka Cuqaasha oo sheegta in uu ku hadlayo afkii Cuqaasha, waxaase yaableh Cuqaashii oo aan dhiman dhoofina oo laascaanood wada jooga in nin aan caaqil ahayni marba idaacad istaago oo yiraahdo jaamac siyaad go’aankaas buu qaatay.

Waxay ku tunteen saldanadii Jaamac siyaad waxay tartansiiyeen laba wiil oo wallaalo ah oo weli saldanadii midba meel ka sheeganayo. Taasi waxay keentay in maanta jaamac siyaad wax mideeyaa aanay jirinsaldanad iyo siyaasad toona.

Burburka iyo karaamadarada nimankani u keeneen jaamac siyaad waxay soo baxday markii hubkii jaamac siyaad dhulbahante iyo laascaanood ku difaacay sideetamaadkii xerta yagoori ay ka jiiteen Soomaalidiidku markii hubkaasi tobanaan sano halkaa yaalay.

Kadaroo dibi dhal xiligii laascaanood Soomaalidiidku qabsadeen waxay daadiyeen ilmo yaxaas, in ay ilmo yaxaas ahaydna waxaa u daliila jaamac siyaad waxay ukala qaybiyeen siddeed jifo waxay ka ilaaliyeen in uu yeesho cudud ciidan, qaar ka mid ah ragan tala xumadu miratay waxay ku dhiirigeliyeen in ina quuje wixii ka hadhsanaa hubkii jaamacsiyaad ee yaalay Garoowe uu ula galo Soomaalidiidka.

Baaruurtii xiligaa qurbajoogta Jaamac siyaad soo iibisay waxay uqaybiyeen todoba Caaqil waxayna yiraahdeen Cuqaasha ayaa baabuurtaa masuulka ah, tani waxay dhaxalsiisay beesha in hubkaa maalintii Garoowe laga soo saaray Caaqilba mid furaha ku rogtay xiligii Buurawadal lafadhiyey, maantana majirto laba wada socotaa baabuurtaa ujeeddadii qurba joogtu lacagta u bixisayna waxaa ka leexiyey nimankan la baxay gudiga, baabuurtaa laba ka mid ah waxaa loola galay Soomaalidiidka, labana waxay ku ilaashadaan  Soomaalidiidku Cuqaasha haysa.

Dhaqamada qaloocan ee ay keeneen waxaa ka mid ah wakiil garaad oo qaarad walba jooga iyo dalkiiba, waxay sidaa u yeeleen si ay talada reerka gacanta ugu hayaan.

Xiligii Buurawadal wixii talo qaloocan soo baxday masuuliyadeeda iyagaa lahaa Jaamac Garaad ismaaciilna iyagaa ku kelifay talakasta oo qaldanayd xiligaas.

Waxay kale oo dhex ordaan Hargeysa iyo Garowe labadaba xiliyada doorashooyinku ka jiraan si ay u helaan cid iyaga la fekred ah( C/samad Cali shire waxay ku yidhaahdeen wasiirnimada waxaa xaq u leh Reer warsame) iyagoo u sheegtay in ay afka jaamacsiyaad ku hadlayaan.

Xiligii shirkii kaatumo 1 ee London waxay bilaabeen in ay isku dayaan in iyagu soo xulaan cidii Jaamac siyaad uga qayb gelilahayd shirkaas,tusaale: waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in aan Maxamud caydiid shirkaa ka qayb gelin waxay ka codsadeen kooxihii qabanqaabada in arinkaa loo fuliyo, waxaa lagu yiri arinkan mayeelikaro in Maxamud caydiid shirkan ka qayb galena waxaa lagu go’aansaday shir jaamac siyaad oo London ka dhacay markhaatina looga dhigay maxamuud Garaad odayadiisa qoraalna lagu gudbiyey intii go’aankaas gaadhay, waxay socdeen ilaa G6 waxaana lagu yidhi arinkan iskaga hadha.

Fadeexaduhu waxay ahaayeen joogto xiligii shirka, Nuur Gaas intuu dhamaan jaamacsiyaad wax Garadkoodii North America ku noolaa indhaha kalaliyey buu Ergo ahaan u soo gaxaystay walaashii in ay shirka ka qayb gasho cajiib!!!!!!!!.

Shirkii baa dhamaaday saa waxay la shireen Jaamacsiyaa intii Soomaalidiidka taageeri jirtay oo aan weligood shir iyo qaadhaan dhulbahante midna iman jirin,markii ay ku noqdeen North America waxay qabteen Teleconference waxayna halkaa  ka sheegeen in jaamacsiyaad israacay oo heshiiyey.

Labada ergay ee ay ku darsadeen G15 waa labadii wakiil ee Garaadka UK iyo North America, midka mid ahi waa ninkii lahaa markii uu dhamaaday shirkii khaatumo1 Laascaanood ragii lahaa baa haystee yaa laga xoreynayaa, mana aha niman Jaamacsiyaad iyo sokeeye kale toona wax ka keenikara ama kartideed leh, indhihiinaa idiin macalin ah waxa ay taleex iyo Laascaanood ka sameeyeen baa qiyaas idiinku filan.

Intii ay soo baxday xiisada cakiran ee Khaatumo2 waxay nimankani caadaysteen baaqyo been abuur ah oo aan dibad iyo gudo toona cidi la ogayn inta ay kabaha birta ah u xidheen mooyee.

Jaamacsiyaad iskuma raacin waxna iskagama ogayn goorta la tegayo iyo cida tegidoonta taleex nimankan khilaafka ka samaysan baa odayaasha baabuur ku gurtay.

Niman talo ku socday in aanay ahayna waxaa cadaynaysa meeshii ay tageen ee taleex waxna kuma kordhin waxna kalama iman, doorkii ay lahaayeen gudan kari waaye waayo xogteedba may hayn, xaajo aad wax ku leedahay oo loo fadhiyo haddii aad u sodcaasho waxaa macruuf ah in aad wax ku kordhiso oo talada wax ka rogrogto markaad bislaysana aad la gurya noqoto xaajo gole laga sheegi karo, waa cadahay in odayadaa la manjaro habaabiyey oo aadan iyo nuur khaldeen.

Maaha oo keliya khaatumo iyo waxa la xidhiidha ee dhagartoodu Nuur iyo Aadan waxay daadsan tahay ilaa SSC  iyo NSUM ( xusuuso maqaal Aadan ka qoray Cali Sabarey maalintii ugu xoreysay ee uu nugaal aaday: wuxuu yidhi waxaa degmada boocame soo gaadhay kuxigeenka hogaanka SSC oo doonaya in uu maamul u sameeyo, degmooyinka Boocame, Tukaraq, Xudun, Taleex iyo Kalabaydh) wuu ogaa Aadan in aan Cali maamul u samaynkarayn degmooyinkaa uusanna u iman arinkaa ee Aadan wuxuu rabay in uu iska horkeeno Cali sabaray iyo beeleha dhulkaa dega iyo weliba maamulka Puntland.

Waxaa ka sii darayd arimaha kale ee ay hogaanka iyo Sabaray ku sameeyeen, Baabuurtii todobada ahayd ee jaamac siyaad qurbajoogtoodu iibisay waatay ku guulaysteen in ay Cuqaasha masuul uga dhigaan, hadaba xiligii baabuurtaasi tagtay Buuhoodle waxay ka ilaaliyeen in dhalinyaradii Baabuurta waday iyo Cali Sabaray wax isfaham ahi dhexmaro waxay toos ula hadli jireen darawalada oo ay ka dheedhiciyeen in ay iska ilaaliyaan amarna aanay ka qaadan, mararka qaarna waxay ba odhanjireen lacag aan jirin baanu idiinku dhiibnay ee u doonto( wixii guul darooyin ahaa ee ka dhacay buurawada ilaa buuhoodle qayb wayn bay ku lahaayeen).

Gunaanad :

Haddii aan maantoo dhan wado dhibaatada iyo dulmiga ay Jaamacsiyaad u gaysteen Nuur Gaas iyo Aadan shuuriye  lama soo koobikaro, waxaan se tolka guud ee dhulbahante iyo Reer taleex labadaba u sheegayaa nimanka intaas oo khilaaf ah jaamacsiyaad u gaystay oo burburkaa iyo talo la’aantaa baday  ergada ay idiin soo diraan iyo wada tashiga aad layeelataan malagu aflaxayaa? Waa maya! Maya! Maya!. Nimanka tolkood hubka ka dhigay, cadow u gumeeyey,  cududoodii liciifiyey, talatoodii sarifay,tolnimadoodii kala dilay, wixii ay taabtaanba talo xumo bay ku danbeeyaan, khilaafkii tolkood ay ku kala dileen yey idiinla soo gelin, fidno iyo fadqalalo yey idiinla soo gelin.

Waxaan kale oo waxgaradka dhulbahante uga digayaa marka ay timaado arin dhulbahante yaan cidina u dhega taagin nimanka talada qoorqabataynaya cid ay metelaan majirtee.

Qurbajoog Jaamacsiyaad ah oo gudi ama talo isku raacsanina ma jirto, markasta oo waxgaradka qurbaha joogaa isku dayaan in ay wax ka qabtaan midnimo la’aanta beesha way dhuuntaan nimankani.

Waxaan kale oo cod dheer ugu sheegayaa G6 in aanu jirin gudi qurbajoog layiraahdo oo jaamacsiyaad ah sidii aad idinkuba indhihiina ku aragteen London iyo USA  sidaa awgeeg haddii aad kala tashataan ergo jaamacsiyaad ah xulideed waxaad saamaha u jiidaysaan shirka waxaadna soo dedejinaysaan burburkiisa.

Hadal iyo dan saraar ilaa Nugaal ilaa Hawd dhagar ay maleegeen nimankani  baa madhaxeedii yaalaa reer taleexow war dhafoor buu ku yaalaa ee ha ku hodmina nimankan, arin sirgacan baa socota sokeeyuhuna waa isyaqaan yaan siriq laydiin qoolin.

Eng. Maxamud Caydiid Dirir email

m_dirir@yahoo.com

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos