Published On: 6 December 2011 6:07 pm

Culumada Kenya oo Bayaan Ka soo saaray dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan(akhriso)

Culumada ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa kulan ay qaatee waxay ka soo saareen Bayaan ay ku inkirayaan dilkii foosha xumaa ee loo geystay alaha u naxariisteen Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan waxay tacsi u direen dhamaan eheladii iyo qaraabadii  uu ka geeriyooday Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan .

Bayaanka Culumada ayaa u qornaa sidan:-

Annagoo ah Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool waxaan qoyskii sheekha, culimada, ummada soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta uga tacsiyaynaynaa dilka xaq darrada ah ee loo gaystay Dr. Sh. Axmed X. C/Raxmaan. Sh. Axmed X. C/raxmaan waxuu ahaa nin lagu yaqaano diin iyo dadnimo, dadaal badanna ugu jiray fidinta dacwada iyo baridda cilimiga, iyo sidoo kale daryeelka bulshada.

Waxaan Allaah uga baryeynayaa inuu u naxariisto, Jannatul fardowsana ka waraabiyo, ehelkiisa iyo muslimiintana Sabir iyo iimaan ka siiyo.Waxaan ugu baaqaynaa dadkii ka dambeeyey dilkan foosha xun inay AIlaah u toobad keenaan isuna soo dhiibaan ehelka Sh Axmed X. C/Raxmaan inta aanay imaan
malinta qiyaamo ayagoo qaba dhiig Muslim.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa dadka u ololeynaya ama fatwoonaya daadinta dhiigga culimada iyo waxgaradka ummada inay Allaah uga baqaan, joojiyaana marin habaabinta dadka dambiyadan gaysanaya.

Waxaan Shaki ku jirin in marnaba aan wanaag lagu helayn dabargoynta Culimada iyo waxgaradka dal iyo diin toonana aan loogu gargaarayni.Sidaas awgeed waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogto inay meel uga soo wada jeedsato ka hortaga falalka noocan ah iyo cid kasta oo wadataba meel kasta oo ay joogaan iyo magac kasta oo ay wataan.

Waxaa Bayaanka ku saxiixan culimada hoos ku xusan:

  1. Sh. Maxamed Cabdi Umal
  2. Sh. Maxamud Shible
  3. Sh. Maxamed Cismaan
  4. Sh. Maxamed Calasow
  5. Sh. Shariif  Dawiil
  6. Sh. M. Qaasim Maxamuud
  7. Sh. C/Qaadir Boobe
  8. Sh. Xasan Ashkir
  9. Sh. Maxamed I Shakul
  10. Sh. Maxamed Shaafici
  11. Sh. Cabdi Mahad Maxamed
  12. Sh. C/casiis Cajiib
  13. Sh. C/Risaaq Adan (Jiir)
  14. Sh. Adam Ahmed
  15. Sh. Maxamed Nuur (Yamani)

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos